Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay In Uu Baashe Ka Soo Celiyay Gaadhi V8 Ah

0
2825

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu Gaadhi V8 ah ka soo celiyay guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Mudane Baashe Maxamed Faarax. Gaadhiga ayaa la sheegay in aanu Guddoomiyaha hore wareejin wakhtigii wareejinta xilka Golaha Wakiillada.

Wargeyska Waaberi oo arrintan xogo ka helay ayaa ku warramay in Madaxweyne Biixi ku war helay in gaadhigan oo miisaaniyadda dawladda looga iibiyay guddoomiyaha Golaha aan la wareejin, islamarkaana uu amar ku bixiyay in Baashe Maxamed Faarax keeno gaadhiga.

Baashe oo la sheegay in uu markii hore wareejiyay gaadhi kale ayaa la sheegay in uu Salaasadii Shirguddoonka Golaha Wakiillada ku soo wareejiyay gaadhiga, haddana uu noqonayo gaadhiga Gaadhiga Guddoomiyaha cusub.

Ma cadda in Mudane Baashe damacsana in uu gaadhigan qaato iyo in ay jiraan sababo kale oo aanu hore ugu wareejin.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland