“Maanta saddexda xisbi ee ka jira dalka Somaliland waxay ka shaqeeyaan kala qaybinta shacabka Somaliland.

0
411

Hargeya,(Baraarugnews.net)-Urur siyaasadeedka Rejo ee somaliland ayaa maanta shahaado sharaf ku maamuusay  wiil dhalinyaro ah eng Ibraahin cabdisalaan Maxamed oo waddo iskaa wax u qabso ku sameeyay oo gaadhaysa sadex boqol oo mitir kaasoo kaligii dhisay,isla markaa hogaanka sare ee  urur siyaasadeedka Rejo ee Somaliland,ayaa munaasibad  ku maamuseen Ibraahin maanta ugu sameeyay huteelka Casood  ee magaalada Hargeysa.

Iyadoo xaflada ay ku dhiiri-galinayeen ugana mahadnaqayeen wiilka dhalinyarada ah ee sameeyay jid saddex boqol oo mir ah ka“Maanta saddexda xisbi ee ka jira dalka Somaliland waxay ka shaqeeyaan kala qaybinta shacabka Somaliland. jeediyey khudbado kala duwan waxaana munaasibadaas ka hadlay Cabdillaahi axmed maxamed ismaaciil dahab, Maxamed Cale axmed bogi iyo madax-dhaqmeed waxaana ka mid ahaa hadaladoodii sidan:-“Maanta saddexda xisbi eek a jira dalka Somaliland ee UCID, Waddani iyo Kulmiye, waxay ka shaqeeyaankala qaybinta shacabka Somaliland. Maanta sharciga horyaala Golaha wakiilada Somaliland hadday samayn wayaan in la furo ururada oo dib ugu celiwayaan madaxweyne Muuse Biixi waanu dacweynaynaa. Waxa loo baahan yahay in dhalinyarada la dhiiri gali si ay uga badbadaan inay waddanka nacaan, oo tahriibaan. Manta Rejo Guruub waxay halkan shahado sharaf gudoonsiinaysaa Ibraahin oo dhisay wado saddex boqol oo mitir ah.”mar dhaw muuqaalka warkaas kala soco Radio Baraarug Medioa ama qaybta shabakadaha Baraarugnews.net iy Tvga baraarug oo aanu idinku soo gudbinayno.