Labada Proffesor Ee Wallaalaha Ah Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf Iyo.Nagiib Axmed shunuuf Oo Maanta Deeq Kala Duwan Ku Caawiyey Carruur Yar-yar Oo Ku Dar-xumaysan Caasimada Somaliland Ee Hargeysa &Dad Ka Hadlay

0
330

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Labada barasafoor ee walaalaha ah Prof. Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf iyo Prof. Nagiib Axmed shunuuf, ayaa agab kala duwan  oo iskugu jira dharka la-xidho, kuwa la huwado maanta ugu deeqay,kuna caawiyey carruur yar-yar  oo ku dhibaateysnaa  jidadka iyo dooxa  caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay la daalo dhacaayey  dhaxanta daran ee ka dhacaysa magaalada Hargeysa. Prof. Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf iyo Prof. Nagiib Axmed shunuuf oo Muwaadin Reer Hargeysa ah ugu soo hagaajiyey deeqda ay ku caawiyeen ubadka diif iyo darxumaysan ayaa isugu jirtay dharka hablaha, duruux,googarado, iyo jalaabiidyo, kabo iyo mustayaal, furaas, halka wiilshana la siiyay gabo kala duwan oo Surwaal, shadhadh, kabo, suuban, bustayaal, iyo furaashyada lagu seexdo oo tiro badan ayaa loogu qaybiyey meelo kala duwan carruur aad u da’a-yar oo ku darxumaysnaa Jidadka iyo goobo kala duwan ee dooxa magaalada Hargeysa.Balse xilligana  xeel dheerayaasha aqoonta u leh xagga cimilada sadaasha, ayaa sheegaaya in  roobab waa weyn la filayo in ka da’aan deegaanada kala duwan ee gudaha dalka Somaliland in Guga bilaha fooda inagu soo haya la filayo roobab mahiigaan ah.

Sidoo kale,Muwaadiniinta ay u soo wakiisheen inay gaadhsiiyaan ubadka yare e ku daruufaha iyo darxumada kala duwan la daalo dhacaaya caasimada Somaliland oo ka hadlay deeqda ay soo gaadhsiiyeen labada barasafoor cabdiraxmaan iyo Nagiib Axmed shunuuf, ayaa ugu baaqay dadka muwaadiniinta u dhashay dalka Somaliland inay ku daydaan Prof Cabdiraxmaan iyo Prof. Nagiib Axmed Shunuuf oo walaalahooda baahan ee caawinta u baahan maanta ay caawiyaan, hoos-na u eegan ubadka darxumada iyo macaluusha ku haysato Somaliland ay dar alle u caawiyaan, xasanaad iyo ajar alle ka siinayo carruurta yar-yar, haddii ay caawiyaan.Isla markaana labada barasafoor Cabdiraxmaan iyo prof Nagiib Axmed Shunuuf ilahay uga baryey in halkii ay ka soo saareen illahey khayr ugu badelo.

Hase yeeshee, maaha markii ugu horaysay ee caawin noocan oo kale ah ay ugu deeqaan ubadka (Carruurta Somaliland), yar-yar ee ku dar-xumaysan magaalooyinka waa weyn ee  Somaliland, Balse prof Cabdiraxmaan Iyo Prof Nagiib waxay hore u caawiyeen dhalinyaro badan oo ka soo jeeda qoysas dan-yar ah ka saacideen dhanka waxbarashada iyo noloshaba.

Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here