Fahfaahinta Xog Sir Ah:-Madaxweynaha Geelle Oo Ka Hadlay Safarka Biixi &Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dalka Jabuuti U Tegay Innuu Xadhiga Ka Soo Jaro Guri-weyn (Qasri Dabaq-dheer ah), Oo Uu Ka Dhistay Magaalada Jabuuti

0
526
Xog Sir Ah:-Madaxweynaha Geelle Oo Ka Hadlay Safarka Biixi &Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dalka Jabuuti U Tegay Innuu Xadhiga Ka Soo Jaro Guri-weyn (Qasri Dabaq-dheer ah), Oo Uu Ka Dhistay Magaalada Jabuuti
Xog Sir Ah:-Madaxweynaha Geelle Oo Ka Hadlay Safarka Biixi &Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dalka Jabuuti U Tegay Innuu Xadhiga Ka Soo Jaro Guri-weyn (Qasri Dabaq-dheer ah), Oo Uu Ka Dhistay Magaalada Jabuuti

Jabuuti,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka hadlay kulan uu maanta ku qaabilay aqalka Madaxtooyadiisa magaalada Jabuuti Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isla markaana Madaxweynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in Muuse Biixi asal ahaan ka dhigan yahay qaab dhismeed lagu qiimaynayo walaalnimada ka dhaxaysa jamhuuriyada Somaliland. Qoraal war ah oo lagu baahiyey barta uu ku leeyahay baraha bulshada madaxweynaha Jabuuti Ismaaxciil Geelle ee face-buugiisa ku baahiyey,warkan oo u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa subaxnimadii hore ee maanta ku qaabilay xarunta madaxtooyada ee Palais de la République, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu hoggaaminayo wefti muhiim ah oo uu hoggaaminayo. joog ilaa saaka 48 saacadood oo shaqo ah.

Dhegeysiga Madaxweyne Geelle iyo Muuse Biixi Cabdi waxa uu asal ahaan ka dhigan yahay qaab-dhismeed lagu qiimaynayo xidhiidhka walaaltinimo, wadajirka, is-caawinta iyo is-dhaafsiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Somaliland. Wareysiyada ayaa ka dib lagu dheeraaday aqoonsiga mashaariicda cusub ee iskaashiga ee labada dhinac.

Jabuuti iyo Somaliland waxay wadaagaan xidhiidh cilmaani ah, oo ay ku tolan tahay dunta taariikhda, dhaqanka, luqadda iyo isu-dhowaanshaha juqraafiga.”sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka uu soo dhigay barta facebuugiisa Madaxweyne Ismaaciil Geelle oo aanu ka soo xiganay xafiiska Wararka ee Shabakada Baraarugnews.net.

Dhanka kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kana ag-dhaw,aqalka Madaxtooyada Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa u sheegay Shabakada wararka ee Baraarugnews.net in safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku yimi magaalada Jabuuti ay la xidhiidho innuu soo eego guri weyn oo dabaq ah oo uu ka dhistay magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafada Aramuuse ee magaalada Jabuuti, kaasoo dhismihiisa uu bilaabay sannadihii u dambeeyay intii uu ahaa Madaxweynaha Somalialnd.

Ilo-wareedyada lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxay in ujeeddada socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi ku yimi dalka Jabuuti uu yahay guriga weyn (Qasri Fooq dheer ah), oo muddooyinkii dambe uu ka dhisayey magaalada Jabuuti, gaar ahaan Xaafadda Haramuus.Balse goobta uu ka dhistay Madaxweyne Muuse biixi guriga qasriga ah ee xaafadda Haramuus, ayaa ku taal meel aad u qurxoon ,waana halka uu deggan yahay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo meesha inta badan ay degan yihiin safaaradaha dawladdaha caalamka ama dalalku ku leeyihiin Dalka Jabuuti. waana halka ay degan yihiin Safiiradda ama la dajiyo madaxda ka socda dawladdaha safarka ku yimaada iyo madaxda ha’yaddaha qaramada midoobay ka jooga, ayaa inta badan degan xaafadda Haramuus ee magaalada Jabuuti.

Sidoo kale, Ilo-wareedyada lagu kalsoon yahay ayaa xusay in Madaxweyne Muuse Biixi u-jeedka safarkiisu xaqiiqda dhabta ah ay tahay innuu xadhiga ka jaro guri weyn oo qasri dabaq-dheer ah oo uu ka dhistay magaalada Jabuuti ee  xaafada Haramuus.Isla markaana wax shaqo ah oo  dhanka danta dalka Somaliland la xidhiidha oo dalka Jabuuti uu u tegay madaxweyne Muuse Biixi aaney jirin, laakiin socdaalkiisa uu maanta ku tegay magaalada Jabuuti ay tahay arrimo isaga u gaar ah oo uu ku eegayey qaabka ay ugu dhistay shirkaddii u dhisaysay Guriga innuu ka eegto qaabkii ay ku heshiiyeen inay ugu dhistay ayuu ahaa socdaalka uumaanta ku tegay Madaxweyne Muuse Biixi Jabuuti,Isla markaana Madaxweyhe Muuse Biixi, ayaa  indho sarcaad wax-ba ka jirin safarkiisa Jabuuti u soo mariyey  warbaahinta afka dawladdiisa ku haddasha shacabka reer Somaliland.

Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here