“Maanta Somaliland Indhaha Caalamka Iyo Dunidda Oo Dhan Baa Ku Soo Jeedda.Waxa Sababey…..” 

0
263

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Munaasibad xaflad lagu daah-furaayey shaacinta nidaam ama istaraajiyad lagu dhaqan-geliyey siyaasad cusub oo loo dajiyey Macdanta iyo khayraadka ku duugan dhulka dalka Somaliland,ayaa lagu qabtay maanta huteelka maansoor ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Masuuliyiin xilal kala duwan ka haya dawladda somaliland,oo isagu jira Wasiiro,Agaasimayaal,xubno ka socda bulshada rayidka ah, madax ka socday dalalka deriska la ah somaliland iyo waddamadda caalabka,ayaa ka qayb-galey Munaasibadda lagu shaaciyey nidaabka cusub ee siyaasadda lagu hagi-doono khayraadka iyo macdanta dalka Somaliland.

Mareeyaha Dekeddaha iyo xeebaha biyaha Badda Cas ee dawladda Somaliland Eng.Siciid Xassan Cabddillaahi oo xafladda lagu shaacinayey qorshaha siyaasadda cusub ee laga bilaabo maanta ay ku shaqayn doonto Wassaaradda macdanta iyo tamarta xukuumadda somaliland,oo haddal kooban ka jeediyey kulanka munaasibadda,waxaanuu yidhi. “Maanta Somaliland indhaha Caalamka iyo dunidda Oo Dhan Baa Ku soo Jeedda.waxa sababey Khayraadkeena Awgii.”

Dhanka kale,Wasiirka Wasaaradda macdanta iyo tamarta xukuumadda Somaliland,ayaa isna ka hadlay munaasibadda maanta lagu daahfurayey khayraadka ku jira dhulka somaliland,ayaa isaguna yidhi siddan. “Waxaad Moodaa Macdantii Dalka In Lagu Qamaamay Hadaan Wasaarada Nahay Waxa Xaq Nalagu Leeyahy Inaan Dawlada Iyo Sharkadahaba Xaqooda Uga soo Qaadno Dadkuna Waa Inay Nabada Ilaaliyaan.”

Geesta kale,masuuliyiin kala duwan, oo iyaguna ka hadlay xafladda daahfurka nidaabka cusub ee ay dawladda somaliland ku maamuli doonto khayraadk iyo macdanaha ku jira dhulkeeda,ayaa soo bandhigay khayraadka ceegaagan beri iyo bad-ba,isla markaana sida caalamku uu maanta u daneynayo somaliland.

Emial÷caarshe@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com

Office Hargeysa