“is-diidooyinka jira iyo Dagaalada iska soo horjeeda ee ku gadaaman Aqoonsiga Somaliland iyo Heshiiska dhex maray dalka Ethopia.!

0
101

“is-diidooyinka jira iyo Dagaalada iska soo horjeeda ee ku gadaaman Aqoonsiga Somaliland iyo Heshiiska dhex maray dalka Ethopia. Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

Is-diidooyinka jira iyo Dagaalada iska soo horjeeda ee ku gadaaman Aqoonsiga Somaliland iyo Heshiiska dhex maray dalka Ethopia, dhamaantood waxay ku salaysan yihiin Dano dhaqaale, iyo Stretegyado cid walba meel oo u taala oo ama is jiidhaya ama is ogolaanaya, inteena badani wax kale ayeynu ka hadalnaa aan ku bilaabeeHeshiiska somaliland iyo Ethopia maxaa Xudun u ah oo uu ku salaysan yahay.
Waxaynu Odhan karnaa Heshiiska waxaa Xudun u ah Dano iyo Baahiyo ay labada dal ee Ethopia iyo Somaliland kala lahaayeen oo lays waafajiyey ka dibna heshiis laga dhigay. Markay sidaa tahay labadan danood ee lays waafajiyey waxay kale oo iyana is diideen ama iska horyimaadeen Dano iyo Stretegyado dhaqaale oo ay leeyihiin dalal kale, Sida Djabouti iyo Somalia , masar, iyo Qadar.
Djabouti iyadu waxay u aragtaa dhaqaaleheedu inuu ku xidhan yahay service ka ay dekedaha ku qabato, badeecadaha u gudbaaya Ethopia oo haddii ay uu fulo heshiiska somaliland Iyo Ethopia hoos u dhac wayni ka soo gaadhayo, dhinaca kale waxay had iyo jeer u garabsiinaysaa Somalia Somalilandna garabka ugu feedhaysaa, Somalia waxay kula jirtaa heshiis ah Ceelka shidaalka ee ku yaala loyacado, in lagu xidho djabouti oo halkaa laga dhoofiyo, waxayna diyaarsadeen Dekeda Dameer joog laga sameeyey oo ku talogalku ahaa in gaaska Ethopiana lagu soo xidho, mustaqbalkana kan somaliland isna lagu Xidho.waxa kale oo iyana jirta haddii Somalia dib laysugu celiyo tartanka Dekeda Berbera uu ka yaranayo dekedaha muqdisho iyo kismaanyona la awoodsiinayo , Berberna Sidii berrigii hore afka Ooda laga saarayo ,Danta Djabouti inahaas baan ka soo qaadanaynaa.
Qadar waxay Soo saartaa Gaaska, Ethopiana Gaas baa laga soo saaray, haddii Gaaska Ethopia u Gacan galo Imaaraadka oo Berbera laga dhoofiyo, waxa ku imanaya Caqabado dhaqaale oo badan qadar, Sidaa awgeed Qadar waxay rabtaa in Djabouti lagu soo xidho oo ay Qadar laftigeedu ka Ethopia iyo keedaba Qabsato, si ay u ilaaliso suuqeeda Gaaska. Imaaraadkuna taas buu ka soo horjeeda wuxuuna xoojinayaa heshiiska inaga iyo Ethopia, ku talogalkiisuna waxa weeye, inuu is dul dhigo Djabouti iyo Qadar oo ay iska soo horjeedaan.
Masar iyada waynu ka war-haynaa in siyaasadeeduba ahayd abuurista Colaada Iyo cadaawada Somalida iyo Ethopai, Si inanka reer Masar u helo Kimis iyo Qudaar ku baxda biyaha niilka inanka Somaliyeedna Dhufays ugu jiro, Cadaawadna ugu noolaado, ogsoonow Publationka faraha badan ee Ethopia waa Marketkii aynu lahayn ee aynu ka faa iidaysan lahayn, ayaa laynoogu sheegay cadaw oo dhiigeena la raaciyey.
Somalia iyada maaha mid aynu isu sheegayno, iyada xaq iyo Xuquuq wixii aynu lahayn ayay haysata, waxaanay rabaan inay sidaas u haystaan oo aan la arag cid wax sheeganaysa, waxaana kuugu cadaana waaba kuwan leh Ethopia waxba uma diidanine, waa inay anaga nasoo maraan, umad laga masuul yahayna aanay wax waydiisan. Iyaga warkoodu waa cadaan.
Isku wada duub waxa laysku raacsan yahay iyo waxa laysku diidan yahayba waa dano dhaqaale oo la kala leeyahay, Somalilandna Maanta waa markii ugu horaysay ay wax fahantay intiì hore oo dhan wax kale ayeynu ka sheekaynaynay, oo ay aaminsanayn in wax laysku siinaayo, alle wuxuu inagu hanuuniyo wadadii saxda ahayd.

Waxa qoray  Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

Email÷ caarshe7@hotmail.com ama baraarugnews@gmail.com