Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

0
103

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Hargeysa,(baraarugTV)-Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Abdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, Maamulka iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadeennada iyo Wakiiladda Shirkadda Dahabshiil Group waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii, Asxaabtii, qoyskii, Qaraabadii iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed, geeridda naxdinta leh ee ku timid Marxuum Ganacsade Axmed Daahir Cumar (Baxsane) oo ka mid ah ahaa ganacsatadda waaweyn ee gobolka, oo maanta oo ay taariikhdu tahay 27 December 2023 ku geeriyootay magaaladda Hargeysa.

Waxa aannu Ilaahay uga baryaynaa inuu marxuumka u naxariisto Jannadiisa Fardowsana ugu deeqo, qabrigana uga dhigo beer ka mid ah beeraha jannada, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna Ilaahay ka siiyo qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo dhamaan umadda soomaaliyeed ee uu ka baxay.

– Aamiin Aamin –