Ilhaan Cumar ayaa wajaheysa cadaadiskii ugu weynaa

0
88

 

Maraykan,(baraarugtv.com)-Xil ka xayuubin lagu wado Ilhan cumar,isla markaan Ilhaan Cumar ayaa wajaheysa cadaadiskii ugu weynaa kadib hadalkii ay ka tiri heshiiska Addis Ababa iyo Hargeysa

Ilhaan Cumar ayaa ka wajaheysa cadaadiskii ugu weynaa tan iyo intii loo doortay xubinnimada aqalka baarlamaanka Mareykanka ee Congress, ee ay ku metesho gobolka ay Soomaalidu degto ee Minnesota.

Gabadha xagjirka ah ee kula jirta Congress ee Marjorie Taylor ayaa aqalka baarlamaanka u gudbisay qaraar ku eedeynaya Ilhaan qiyaano qaran, iyo inay wakiil u tahay dowlad shiGuddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis waxa uu isagu ku baaqay in Ilhaan laga la noqdo dhalashada iyo baasaboorka Mareykanka islamarkaas na la masaafuriyo.

Qaraarka loo gudbiyay Congress iyo baaqa tarxiilka Ilhaan ayaa dabo-socday hadal ay ku durtay isfagaradka badda ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ay ka jeedisay xaflad loo dhigay dib-u-doorashada madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni.