Ibraahin Hawd: Coldoon Argagixisanimo ayuu qarka u saaran yahay!

0
671

Coldoon

Xagjirnimada uu Cabdimaalig Muuse Coldoon beryahan la soo baxay nooceeda aragtida aan ka qabaa waa ta u gu xun ee aan aragti jirta ka qabi karo. Xagjirnimadan oo uu kalhore ka la soo baxay xabsigii dulmiga iyo sharci darrada loo gu xidhay, waa mid qarka u saaran argagixisannimo. Haddaba waa in la is wayddiiyaa sababta ninkaa berigaa loo xidhay iyo cidda xidhay? Waana in la isa sii wayddiiyaa waxa ninkan xabsiga ku soo beddelay, illayn waa kii faraxsanaa ee inoo heesayaye? Ma dulmiga la gu la kacay buu ka ciishooday? Ma argagixisadii xabbiska la gu la xidhay baa saamaysay? Ma qabyaalad gumeed oo dawladdiisii loo gumeeyay buu dareemay? Mise wax kale ayaa jira?

Coldoon caawa wax uu ku xidhan yahay sharci darro iyo dulmi. Dastuurka Soomaalilaand iyo xeerka qabiilooyinka ee heshiiska la gu yahay midna ma oggola in xorriyad fikir iyo xorriyad hadal qofku ku eedoobo. Wax badan oo in la ga doodo ay tahay baa jira inta aan la dagaallamin (inta aan qofku faldembiyeed ku kicin ama abaabulin dembi ma laha).

Sidaa darteed daqiiqad kasta oo uu ninkani xidhan yahay Dastuurkii Soomaalilaand ee dadku doortay baa jaban, haddii kale macnaha “Dastuur” ayaan la aqoon. Haddii aad ADIGU MUWAADDIN ahaan diidi waydid falxumada jabinaysa heshiiskaagii, ma tihid dad ee noole kale sheego. Waayo? Cid waliba waxa ay doonto ayay ku samayn kartaa dadkaaga, iyada oo sheeganaysa dawlad.

Si kale. Dadka Soomaalilaand wax uu doortay mudanayaal sharciga qarankooda u matala. Sidaa darteed arrinta Coldoon haddii ay degdeg u xallinwaydo hay’adda Garsoorku, waajib dastuuri ah baa saaran Golaha Wakiillada.

waxa qoray Ibraahim Hawd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here