Guddoomiyaha Ururka Rejo Oo Ku Soo Qatimay Xoogag Shacab Taageero Mucjisa Ah Xarunta Gobolka Sool

0
189

Ceerigaabo(Baraarugnews.net)-Hogaanka urur siyaasadeedka Rejo,ayaa maanta boqolaal shacab ah ku soo bandhigay xaruntiisa Gobolka Sool ee bariga Somaliland.Isla markaana Guddoomiyaha Ururka Rejo Cabdillaahi Dahab,ayaa u muuqda,sawirka awooda taageero xoog badan innuu ku dhex leeyahey shacabka ku kala dhaqan deegaanada,goboladda kala duwan ee galbeedka iyo bariga iyo magaalooyinka ugu waa weyn Somaliland. mid

Hogaamiyaha ururka Rejo Cabdillaahi Dahab,oo hore uga mid ahaa siyaasiyiintii aas-aasay xisbiga Waddani dhidibada loo taagey ama lagu dhawaaqay markii ugu horaysay urur cusub oo la yidhaahdo Waddani loogu wanqalay magaalada Hargeysa ayuu ka mid ahaa xubnihii seeska u dhigay Cabdillaahi Dahab xisbiga Waddani.Balse Gudoomiyaha ururka Rejo Cabdillaahi Dahab khilaaf markii danbe soo kala dhexgalay Murashaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa sababay in Cabdillaahi Dahab,Ismaaciil Buubaa,xildhibaankii hore ee golaha Wakiilada Mahdi Buubaa,Uur-cade iyo xubno sarsare oo ka tirsanaa ka dareeran mar-qudha xisbigii Waddani.Ka dib kala taga Caddillaahi Dahab iyo Cabdiraxmaan Cirro,ayaa lala xidhiidhiyaa inay sabab u ahayd markii Cabdiraxmaan Cirro kooto ugu xidhay shirkii lagu dooranayey guddoomiyaha xisbiga Waddani lagu doortay Guddoominimada xisbiga Waddaniiyo murashacnimada,iyadoo loo cumaamadey Xirsi,halka murashaxnimadana loo doortay Cabdiraxmaan cirro.Cabdilaahi Dahab,ayaa ku dooday xilli uu shir jaraa,id ku qabtay caasimada Somaliland lana hadlay shacabka sababta keentay innuu ka baxo Xisbiga Waddani, in waxyaabihii ay ku diidanayeen xisbi xaakimka Kulmiye iyo UCID kootadii loogu xidhay Gudoomiyaha kulmiye iyo murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe asxaab dukaan ay leeyihiin.waxyaabihii ka dagaalamayeen dimuqoraadiyada beenta ku dhisan ama ka sheegayaan inay ka jirto xisbiyada UCID iyo kulmiye,ay la mid tahey xisbiga Waddani Guddoomiyihii hore Cirro, isna maanta ku dhaqmay,kufsi siyaasadeed ka dhacay somaliland,isna ku sadexeeyay Guddoomiyihii xisbiga Waddani Cirro.ma jirto arragti ka duwan xisbiga Waddani labada xisbi ee UCid iyo kulmiye in lagu soo xusho hogaamiye arragti fog oo is badel mustaqbal horumar gaadhsiin kara shacabka reer Somaliland ee ku jira xaalada adag nolol,caafimad iyo waxbarasho haysan. Qaabka xulasho dimuqoraadi si xor ah dhamaan madaxda xisbiga Waddani guul gaadhsiinkarta iyo la,jaan qaadi kara isbadelada loolanka ka socda qaarada geeska afrika aynu ka mid nahey sonaliland.haddii shakhsi lala jeclaado hogaaminta xisbi dad is caashaqey oo dano u gaar ah kaligood macno ahaan qiimaha xisbi jirin inaad ka tirsanaato meel aan ku fadhiyin aqoon garasho qiimayn ku salaysan jidka guul hogaamiye bulshadiisa ku gaadhsiin kara nolol jiilka ubaxa ubadkeena mustaqbal midho fiican uga taga ubadkooda,hooyooyinkood iyo umaddooda. hiigsi arragti hogaamiye arragtidiisu ka fog tahey qabiil,hebel la ficiltan iyo is muuji mooyee wax kale ku jirin, garashadiisuna intaas tahey muxuu ku soo kordhigkaraa maanta shacabkeena darxumada iyo daruufta macaluusha gaajada iyo sixir bararka maceeshada haysta bulshada somaliland.yaa ka saari kara maanta iyo dhicin xisbigii Waddani iyo wuxuu kaga duwan yahey kuwii jiray ma waxaynu ku raacnaa qabyaaladii horumar la,aanta iyo darxumada ina haysata ka dhaxalnay kuwii horena ku dooranay ee maanta cabashada iyo qaylada ka soo yeedhaysa daraf ka daraf.maxay tahay macnaha ay samaynayso haddii xisbiga waddani isna dhaqankii xisbiyada kala ee Kulmiye iyo UCID meherad shakhsiyaad shuraako oo kaligood go,aamiya ganacsigoodii oo kale in xisbidii noqdaan dukaan qof leeyahey,ma jirto macno aad ku sii joogtid ayuu Cabdillaahi keentay innuu ka horyimaado kootada ka jirta xisbiyada somaliland.


Inkastoo Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro,ayaa u arkayey maalintaa cabdillaahi dahab siyaasi saameyn ku laheyn bulshada reer somaliland,gaar ahaan beeshiisa,madaama Guddoomiyaha Rejo isku beel yihiin Cirro,laakiin dadka taageersan Cabddilaahi Dahab ee gudaha iyo dibadda ee shacabka somaliland,ayaa layaab ku riday siyaasiyiin badan oo aqoon mugdheer u laheyn Guddoomiyaha Rejo Cabdillaahi.Si kasta ahaatee Hogaanka ururka Rejo oo maanta ku soo qatimay Gobolka Sool tartarkii ururada siyaasada somaliland oo maanta lagu soo gebogebeeyay Laascaanood.Hase yeeshee Guud ahaan Guudoomiyaha rejo Cabdillaahi ayaa wacdaro taageerayaal miisaan culus leh ku soo bandhigay Gobolada Somaliland,kaasoo dhaafiyey tiraddii laga rebay ee madaxtaabashada Gobolka kasta. Cabdiraxmaan Ismaaciil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here