Gabolka Saaxil,ayaa Diyaarad Diyaarado Maraykanku leeyihiin oo laba jeer shixnad ku dejisay Madaarka Berbera &Shaki weyn abuuray

0
181

Hargeysa,(baraarugnews.net)_Ciidamada cirka ee dalka maraykanka,ayaa hawlgalo ka fuliyeen deegaanka Gabolka Saaxil,ayaa abuuray shaki weyn.MAANTA Diyaarad Millateriga Maraykanku leeyihiin oo laba jeer shixnad ku dejisay Madaarka Berbera
Diyaarad Ay Leeyihiin Ciidamda Cirka Mareykanka Ayaa Keentay Berbera Dhowr Shixnadood Oo Xidhan
Sida uu sheegay Bloa Laurent oo ah xeel-dheere Faransiis ah,lana socda dhaqdhaqaaqa diyaaradaha military ee Afrika u kala gooshaya, xaruntiisana ay tahay Djibouti, ayaa waxa uu sheegay in diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Cirka Maraykanka oo ah C-130 Super Hercules Transport, ay laba jeer ku degtay Berbera.
C-130 Hercules Transport, waxa ay laba jeer galinkii hore ee maanta, October 24, 2022 ay timid Berbera.
Vidiyaha diyaaradan ayaa waxa uu soconayaa 41 second.Waxa aad arkaysaa Hercules Transport, oo shixnado xidhan ku dajinaya Berbera.
Wakhtiga diyaarada Super Hercules Transport, ay dajinaysay shixnadaha, ayaa waxa diyaarad labaad ay hawlo militaryga qaabilsan ka fulinaysay dhulka u dhaxeeya Laasqoray iyo Berbera.
Dadka ku nool Berbera ayaa sidoo kale sheegay in militariga Maraykanka ay u cadeeyeen hawlgalada ay fuliyeen maanta oo ah Isniin, October 24, 2022.
Hawlgalka Maraykanka ay ka fuliyeen Berbera, Jamhuuriyada Somaliland subaxnimadii maanta, ma uu ahayn mid qarsoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here