Furitaanka Carwada Ganacsiga Hargeysa:-Shirkadaha Dahabshiil Group,Waa Horseedaha Guusha Iyo Horumarka Ganacsiga Dhulka Soomaalida

0
273

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Shirkadaha Dahabshiil Group oo ah kabana caalami ah ayaa si wayn uga qayb qaadate Carwadda 10-aad ee Ganacsiga oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isla markaana qaybaha kala duwan ee ganacsiga aadka u jecel iyo masuuliyiin kala duwan ayaa saaka munaasibada ka soo qayb galay oo laga daah-furay Huteelka Maansoor ee Hargeysa.


Shirkadda dahabshiil ayaa adeegyada kala duwan ee ay siiyo shacabka soomaalida oo qayb ay ka tahay shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel iyo Bangiga iyo laamaha kala duwan ee xawaalada dahabshiil Guruub ayaa qiimo dhimis weyn u samaysay bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada Hargeysa iyo Goboladda Kala duwan ee Somaliland.
Sidoo kale, shirkadda Dahabshiil ayaa sii wadaysa qiimo dhimista inta ay socoto Carwada ganacsiga eek a socoto magaalada Hargeysa, isla markaana wax aka soo qayb galay madax, masuuliyeen iyo ganacsato kala duwan, isla markaana masuuliyiinta dahabshiil ayaa aad ugu bogaadiyey in dhalinyarada iyo dadka soomaaliyeed ee aadka u danaynaysa ganacsiga gacan wayn ka siinaysay dhanka ganacsiga iyo garab istaag weyn ay shirkad ahaan mar wal-ba diyaar u yihiin inay ka caawiyaan dhalinyarada xiisaynaysa dhanka ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here