Eeg÷Maxaad Ka Og-tahey Arrintii Maanta Ka Dhacday Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland?

0
870

Hargeysa,(baraarugnews net)-Bal Eeg÷Maxaad Ka Og-tahey Arrintii Maanta Ee Guddoomiye Cabdikariin Xinif? Marka aad siwacan u dhuuxdaan kulanka ay ugu magacdareen Guddida dabagalka iyo hantida qaranka ee Golaha wakiiladda Somaliland ee maanta ugu yeedheen Guddoomiye Cabdikariin Xinif,markaan daawadey muuqaalkaas waxa alaale iyo wax macno ah oo ku jiraa ma jiro.sababtoo ah waxay aheyd xildhibaan Maxamed Abiib iyo xildhibaan kale oo aan jeclayn magaciisa xuso arrimo aniga ii gaar ah.waxay Heyd markii hore in Guddoomiyaha su,aalo ka waydiiyaan shaqada ha,yaddiisa Xinif iyo waxyaabaha ay baahiya iyo nolosha bulshada barakacayaasha ku nool gudaha somaliland madaama ay noloshu aad u adag tahey sixir bararka dhankasta maanta ka jira inay wax ka waydiiyaan marxalada ku sugan yihiin?Guddi ahaan iyagu xogogaal,si madax banaan ma u kuurgaleen nolosha ku sugan yihiin barakacayasha xiliga noloshooda? Muuqaalka guddida xildhibaanadu wuxuu ka marqaati kacayaa in aqoon khimradeed u laheyn habka waraysiyada.Tusaale,waxay aheyd in marka hore ka waraystaan guddoomiyaha xinif nolodha barakacayaasha iyo wuxuu ka qabtay noloshooda,biyaha cuntada,waxbarashadaiyo caafimaad ahaan-ba.Waxa dad tiro badan oo yamen ka soo qaxay iyo suriyaan ka dawarsada suuqyada waa weyn oo haween iyo ubad aad u yaryar iyo dhanka abniga barakacayaasha. Haddii qofku baahan yahey siyaabo badan ayaa baahidiisa looga faa,iidaystaa,waliba haweenka.barakacayaasha wax xadgudubyo ah oo galmo iyo dulmiyo kale in booliska abnigooda u xil saaran innuu ka soo gaadho iyo arrimo badan oo baahiyaha bulshada uu masuulka ka yahey in gudoomiyaha waydiiyaan Xinif ayey aheyd? Teetalka ay sidaan xubnaha Guddida oo aqoon dheeraad ah aan u leeyahey,gudoomiyahooda,qaar aanu wada shaqaynay, iyo qaar saaxiibo siyaasada goobo ku gorfayno isugu iman jirnay weeye. Xildhibaanu waxay aheyd in marka ugu dambaysa waydiiyaan waxyaabaha ka baxsan shaqadiisa Guddoomiye xinif ee siyaasada xisbiyada.muuqaalka su aalaha xildhibaanu waxa ka muuqda in caqligoodu ama u arkaan in wax weyn qabteen,laakiin wax danta shacabka ah oo waydiiyeen may ku jirtaa muuqaalkan wareejinayaan facebuuga ma ii sheegi kartaan? Aqoon iyo khimrad ahaan waxay aheyd in marka shaqada loo igmadey ee madaxweynuhu u dhiibay xinif ka waraystaan waxa uu u qabtay bulshada barakacayaasha marka hore ayey aheyd. Kuwana marka dambe inay waydiyaan kama dambaysta ayey ahey.Su,aalaha Muuse Cabdaleysan iyo marfashyada aan garanayo in wax wacan inaad samayseen ayuu garashadiinu qurux iyo su,aalo khatar ah ayaa lafadhidaan caawa huteelkii hargeysa. Balse shacabka waxaan u sheegayaa aniga waad i taqaan inaan arragtida maamulka kulmiye ee talada somaliland ka soo horjeedo guul wadeyn iyo qabiil ahaan in xinif garab ku siinaayo laakiin waxaan ogahey labada xildhibaan Guddoomiye Xinif sheegayo mid ka mid ah muuse cadalayn hiil qabiil,walina xinif ama cidda og si hoose hogaamiye mucaaridka waxay isu-yihiin qoyskiisa marka qabiil ahaan laga tago,ma jecli inaan wax badan oo aan ogahey sheego.laakiin bax iyo cadhada waa mid qoyskiisa weeye hadda qabiil muuse cabdale maaha. Xildhibaanka reer awdal sxb dee su,aashii marfashka sabaroon ayaa dadka uga dhigaysaa mid arinvqaran,wali ma goobtiibas? Shirkii kulmiye ee huteelja siti balaasa ee burco tolwaa iyo mujaahid dhegeweyne iyo rag kale ayaa lagu cunay,muuse biixi ayaa gudoomiye kuxigeenka kowaad ee kulmiye loo doortay,laakiin anigu ma garanayo i shiyuu xiiso leh ama siyaasad halkaas ku jirta wakhti xaadirkan. Laakiin shacabku ma oga in rag beel ah walina aan aqaan ku soobdhiibaan su,aalaha ku soo qoraan nasiib daro weeye xildhibaan maxamed Abiibow. In marka hore baadhis iyo xog ururin habka miisaaniyada iyo shaqadiisa baadhis macluumaad ku sameeyaan ha,yadiisa oo wax faa,iido ah waydiiya iyo inuu gabay shaqadii qaranka xinif dhaliil haddii shaqadiisa ka jirto umadda u soo bandhigaan. Horta xildhibaan waa mukhayil daacad u ah dhanka jaadka saaxiibadiisii mijiliska ayuu la shir yimi saaka.dawadan diyaanada la yidhaahdo ee hawernku isku cadeeyaan,oo xildhibaan aan ogaa isagoo madow oo cadaadey ayaan ku arkay muuqaalkii xildhibaanada Gudida dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada somaliland.Xinif markuu ka hadlay ayaan daawadey warkiisa,laakiin xogogaal iyo cidda ku soo borogaraamiyey isaga iyo shaqada u shaqeeyaan ma yaqaan iyo ruuxda cidda la dagaalamaysa?miyaad ku arragtay wax danta shacabka ah oo waydiiyeen xildhibasnadu Guddoomiyaha Dibi-dejinta cabdikariin Xinif?markaa qofka diyaanada marsada ee iscadeeya marka uu ku lulaado ee dhididka rayiga dad weynaha gaar u tahey qoraaga Idiris maxamed Saleebaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here