Dhalinyaradda GobolkaTogdheer oo taageeray Guddoomiyaha beelaha Irir Samaale Prof cabdiraxmaan Axmed Shunuuf

0
248
Guddoomiyaha beelaha Irir Samaale Prof cabdiraxmaan Axmed Shunuuf
Guddoomiyaha beelaha Irir Samaale Prof cabdiraxmaan Axmed Shunuuf

Burco,(baraarugnews.net)-Dhaliyaradda Ku dhaqan Gobolka Togdheer ayaa soo dhaweeyay guddoomiyaha beelaha Irir Samaale Prof cabdiraxmaan Axmed Shunuuf.

Guddoomiyaha beelaha Irir Samaale Prof cabdiraxmaan Axmed Shunuuf
Guddoomiyaha beelaha Irir Samaale Prof cabdiraxmaan Axmed Shunuuf

Isla markaana waxay ka hadleen doorka iyo muhiimada uu u leeyahay dhalinyaradda beelaha Irir Samaale Prof cabdiraxmaan inuu noqdo guddoomiyaha Irir Samaale. Idris Saleebaan Maxamed oo ugu horayn Ka hadlay waxa uu yidhi sidan:-“Waxaanu aad iyo aad u soo dhawaynaa haddaanu nahay dhalinyaradda GobolkaTogdheer ee magaalada Burco Guddoomiyaha beelaha Irir Samaale Prof cabdiraxmaan Axmed Shunuuf.runtii waa shakhsi aqoon leh oo u qalma inuu hogaamiyo jiilasha dhalinyaradda beelaha Irir Samaale.waxyaabo badan oo aynaan halkan Ku soo koobi karin ayuu u qabtay dhalinyaradda reer somaliland Guddoomiye Prof cabdiraxmaan Axmed Shunuuf.”  Deeqa Maxamed Ismaaciil ayaa sheegtay in haween ahaan iyo bulshada dumarka Togdheer ku faraxsan yihiin soona dhawaynayaan guddoomiyaha beelaha Irir Samaale Prof cabdiraxmaan Axmed Shunuuf “Waxaanu leeyahay hambalyo guddoomiyaha beelaha Irir Samaale Prof cabdiraxmaan Axmed Shunuuf oo dhamaan Beelaha Irir Samaale isku raaceen inuu noqdo guddoomiyaha beelaha Irir Samaale.prof cabdiraxmaan waxyaabaha uu dadka kaga duwan yahay ee Astaan u ah waxa weeye shakhsi gacan qabtay dhalinyaro badan oo reer somaliland ah weeye Prof cabdiraxmaan.”

Gudoomiyaha-beelaha-Irir-Samaale-Prof-Cabdiraxmaan-Axmed-Jaamac-Shunuuf.
Gudoomiyaha-beelaha-Irir-Samaale-Prof-Cabdiraxmaan-Axmed-Jaamac-Shunuuf.

Khadra Maxamuud Aadan ayaa iyaduna tidhi “Waxaanu halkan hambalyo uga diraynaa anigoo Ku hadlaaya afka hablaha GobolkaTogdheer ee magaalada Burco wuxuu wax badan iyo gacan wayn ku lahaa,kana soo qayb qaatey halgankii dub u xoraynta dalka somaliland kaasoo Ka mid ahaa mujaahidiintii ururkii SNM.markaa waxyaabo badan oo runtii aan la ilaabi karin ayuu Ku leeyahay dhismaha dhidibada loogu taagey dalka somaliland.”

Cabdiraxmaan Faarax isna waxa uu yidhi”Guddoomiye Prof cabdiraxmaan Axmed Shunuuf wuxuu Ka mid ahaa aqoon yahankii dhisay jaamacada Hargeysa iyo jaamacado badan oo dalka markii laga saaray dalka dawladii Maxamed Siyaad barre.wuxuu dalka galiyey aqoontiisii,isagoo shaqadiisii iyo noloshii wacnayd ee uu ku haystay dalka maraykanka wuxuu Ka doorbiday dalkiisii hooyo inuu u shaqeeyo,isagoo iskaga yimi dalka maraykanka.wuxuu dadka reer somaliland ku leeyahay abaal badan oo u gashaday shacabka somaliland.markaa Waxaanu leeyahay waa ruux ku haboonaa maanta guddoomiyaha beelaha Irir Samaale Prof cabdiraxmaan Axmed Shunuuf.

“Runtii waxyaabaha uu dhalinyaradda ka caawiyey Prof cabdiraxmaan waxa Ka mid ah dhanka gubadaha iyo xagga waxbarashada oo uu dhalinyaro Ka soo jeeday qoys danyar ah ayuu Ka bixiyey iskuulka iyo jaamacadaha somaliland gaar ahaan jaamacada Hargeysa.”sidaa waxa yidhi Fu’aad Ibraahin Warsame

 


 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here