Dhacdooyinka Ku Cusub Ololaha Doorashada Dalka Kiiniya &Isagoo Shaah U Karinaya Haweeney Carmal Ah Oo..

0
320
Xildhibaanka deegaanka Kimilili,

Kenya,(Baraarugnews.net)-Dhacdooyin iyo ficilo muujinaaya sawirka waxyaabo ku cusub siyaasiyiinta ku hirdamaaya doorashada ka socota dalka Kiiniya.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka Kiiniya,ayaa ka soo tegay hab-nololeedkoodkii raaxada iyo tamashlaynta noloshii heerka sare ee ay ku noolaan jireen wakhtigii hore.Isla markaana intii ay ku jireen ololaha doorashada waxay bilaabeen inay u jeestay dhaqida Suuliyada nadiifiyaan, jarjaridda khudaarta iyo karinta shaaha, si ay u soo jiitaan cod-bixiyeyaasha doorashada la filayo inay qabsoonto 9-ka bisha August ee sanadkan 2022-ka.

Wax aka mid ahaa siyaasiga dhacdooyinka ku cusub dadka kiiniyaatiga ah ee siyaasiyiinta maanta ku soo bandhigay ololahooda Polycarp Igathe, oo xidhay dharka nadaafadda kaddibna bilaabay dhaqidda suuliyada ku yaalla caasimadda magaalada Nairobi.

In ka-yar 20 ilbidhiqsi ayuu ku qaatay xaaqidda suuliga, iyadoo dadkii ka shaqeynayay nadaafadda ay si la yaab leh u eegayeen. “Muddo dheerba waxaa loo aqoonsanaa shaqo us-kag leh ,balse waa shaqo masuuliyad leh,” ayuu yidhi Polycary Igathe.

Ficilladiisa ayaa soo jiitay dadka qaar oo ku maadeysanayay, qaarkood ayaa kula taliyay inuu carruurta la hayo isla markaana shaqooyinka guriga qaarkood uu la qabto. Mr Igathe wuxuu ahaa ku xigeenka badhasaabka maamulkii Mike Sonko, balse sanad ka yar ayuu isaga casilay kaddib markii uu waayay kalsoonida badhasaabka.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in ficilladan lagu yaqanano xilliyada doorashada isla markaana laga yaabo inaysan saameyn codbixiyeyaasha.Sawirka shaaha karinaaya

Xildhibaanka deegaanka Kimilili, Didmus Barasa ayaa isna isku dayayay inuu codbixiyeyaasha ku soo jiito isagoo kaxaynaya mootooyinka dadweynaha, isagoo meel iska dhigay gaadhigiisa raaxada.

Xildhibaanka Galbeedka Embakasi George Theuri ayaa sidoo kale bartiisa soo dhigay sawir isagoo caga cad ku lugeynaya waddooyinka isagoo cinwaan uga dhigay: “Anigoo jecleysanaya xilli walba oo aan xaafadaha deriskeyga ku qaatay”.

Mr Theuri ayaa sidoo kale xirtay surwaal gaaban taas oo mid ka mid ah dadka ku taageera baraha bulshada uu kaga jawaabay, “Waa doqonnimo in la rumeysto siyaasiyiinta noocan ah.

sawirka shaaha karinaayaXildhibaanka deegaanka Kimilili,

“Shab bilood kahor senator Isaac Mwaura wuxuu oggolaanshaha xisbigiisa ee inuu xildhibaan ka noqdo Nairobi ku helay isagoo ganacsatada yaryar ka caawinaya jarjaridda khudaarta.

Mr Barasa Sawirrada laga qaaday ayaa muujinaya isagoo shaah u karinaya haweeney carmal ah oo 67 jir ah laguna magacaabo albeit isagoo weli xidhan kabihiisa qaaliga ah.

Xigasho BBC

Emial:-Xafiiska Guud ee Warbaahinta Baraarugnews.net Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here