Dawladda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Markab Yeelanayso U Kala Goosha Dawladdahacaalamka

0
242
Dawladda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Markab Yeelanayso U Kala Goosha Dawladdahacaalamka
Dawladda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Markab Yeelanayso U Kala Goosha Dawladdahacaalamka

Berbera,(Baraarugnews.net)-dawladda Somaliland,ayaa daboolka ka qaaday in ay yeelanayso Markab ay iska leedahay Somaliland oo u kala goosha waddamadda Caalamka.
Mareeyaha Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland Eng.Siciid Xassan Cabdillaahi,ayaa shaaca ka qaaday maanta talaabo weyn oo dhanka horumarka ah ee ku talaabsatay dawladda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,isla markaana Mareeye Siciid Xasan Cabdillaahi ayaa sheegay in Mustaq-balka dekeddaha somaliland raacayso dhabaha jid horumar ah. “Jamhuuriyada Dalka Somaliland oo waxaanu ku talaabsanaynaa maalin iyo habeenkastaba jidka horumarka iyo geedi socodka talaabo dhanka horumarka ah.la shaaciyay inay yeelanayso Markab ay leedahay Somaliland oo dalalka Caalamka u kala goosha.
Mareeyaha guud ee Hay’adda dekkadaha Jamhuuriyada Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa sheegay in qorshaha Hay’adda dekeddaha Somaliland ugu jirto in Somaliland yeelato Markab kasoo u kala safra dalalka Dunida iyo caalamka haddii alle ka dhigu mustaqbalka”.Ayuu yidhi Mareeyaha Dekeddaha iyo Xeebaha Dawladda Somaliland Eng. Siciid Xassan Cabdillaahi.

Dawladda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Markab Yeelanayso U Kala Goosha  Dawladdahacaalamka
Dawladda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Markab Yeelanayso U Kala Goosha Dawladdahacaalamka

Haddalka Mareeyaha Dekeddaha Somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi, ayaa ku soo beegmaaya is-badeladda waa weyn ee laga sameeyay qaybaha kala duwan ee dib-u-habaynta Dekeddea Berbera,Balse Mareeye Siciid ayaa tan iyo intii uu xilka hayey dekeddaha Somaliland mar-ba marka ka dambaysa waxa isa-soo taraaya in Dekedda Berbera soo jiidanayso dawladdaha caalamka.Isla markaana signalka Sawirka guud Dekedda Berbera ayaa muujinaaya hannaanka maamulka Dekedda oo la jaanqadaa habka ay u shaqaynayaan dekeddaha caalamka iyo heerka aqooneed ee dunida casriga ah ee 2023-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here