Dawladda Ingiriiska oo ka hadashay wada-hadaladii somaliland iyo soomaaliya

0
78

Uk,(baraatugtv.com)-Dawladda Ingiriiska ayaa soo dhaweysay qodobadii laga soo saarey wada-hadalkii Somaliland iyo soomaaliya.“Waxaan soo dhawaynaynaa war-murtiyeedka ka dib wada-hadallo muhiim ah oo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, Xasan Sh. Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi ee Jabuuti, waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dib-u-heshiisiinta” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

UK ayaa noqoneysa dalkii ugu horreeyay ee soo dhaweeyay wada-hadallada dib u billowday ee Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama ay horay dalkeeda uga dhaceen shirarkii hore ee wada-hadallada ku saabsan dowladda federaalka iyo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Jabuuti oo ka kooban 8 qodob ayaa waxaa lagu go’aamiyey in mar kale dib loo bilaabo wada-hadallada labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal-waara.

Labada dhinac waxay sidoo kale ku heshiiyeen in 30 maalmood gudahood go’aan looga gaaro hanaanka geedi socodka wadahadaladaas, iyadoo lasoo magacaabayo guddiyo farsamo oo fududeeya wada-hadallada.Waxaa kale oo bayaana lagu yiri “In garowshiyihii dowladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfaladii iyo burburintii dowladii militeriga ay u geysatay dadka gobollada waqooyi ay u geysatay ka garaabidioda ay sii wado”.Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraalada iyo wax kasta oo wax u dhibi kara jawiga wadahadallada ee socda.