Ciiddamadda Tigrayga ee TPLF ma waxay ku duushay Gobolka Cafarta?

0
275
Ciiddamadda Tigrayga ee TPLF ma waxay ku duushay Gobolka Cafarta?
Ciiddamadda Tigrayga ee TPLF ma waxay ku duushay Gobolka Cafarta?

Itoobiya,(Baraarugnewsnet)-Ciidamada Gobolka Tigrayga ayaa dagaal rogaal celis ah ka qabsaday ciidanka faderaalka ee Itoobiya dhul ku yaal iyo magaalooyin deegaanka Gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya. Isla markaana Madaxa xafiiska isgaadhsiinta dowladda ee deegaanka Cafarta, ayaa sheegay ciidamada TPLF iney dagaal ku soo qaadeen deegaanka Cafarta, ayna qabsadeen seddex degmo.
Warku wuxuu intaa ku darayaa nin lagu magacaabo Axmed Kaloyta wuxuu sheegay maalmihii la soo dhaafay xoogagga TPLF inay seddex degmo ay ku soo qaadeen weerarro ay u adeegsanayeen hubka culus.Balse Dagaal toddobaadkii hore ka dhacay xadka ay wadaagaan deegaannada Tigraay iyo Cafarta ayaa labada dhinac mid-ba midka kale wuxuu ku eedeynayey inuu dagaalka isagu billaabay.
Warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska isgaadhsiinta dowladda ee deegaanka Cafarta, ayaa lagu sheegay iney TPLF dagaal ku soo qaadeen, ayna qabsadeen degmooyinka Abcala, Magaale iyo Baraxle.Isla markaana Dagaalka TPLF ay ku soo qaadeen deegaanka Cafarta wuxuu ku tilmaamay mid ay uga gol leeyihiin iney aargoosi sameeyaan maadaamaa TPLF lagu jabiyey dagaalkii u dambeeyey ee looga saaray degmooyinka ay ka qabsadeen deegaanka Cafarta.
Ciiddamadda Tigrayga ee TPLF ma waxay ku duushay Gobolka Cafarta?
TPLF dhankooda waxay sheegeen ciidamada deegaanka Cafarta iney dagaalka, iyagu soo qaadeen si ay u carqaladeeyaan howlaha gargaarka baniaadanimo ee Tigraay uga yimaadda dhinaca deegaanka Cafarta.
EMial:-baraarugnews@gmail.com Or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here