Arrin sirta khatarta ah ee Somaliland

0
571

Hargeysa,(baraarugnews.net)-Mashruuc ku kacaaya lacag gaadhaysa150 Million oo dollarka Maraykanka ah ayaa Baanka adduunku amaahiyey dawladda madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud ee soomaaliya,isla markaana lacagtan oo dayn ah  Baanka Adduunku amaahiyey Dawladda Federaalka ee Somalia, ayaa Somaliland ka siisay heshay Mashruucaas 50 Million oo Dollar oo lagu maal gelinayo Kaabayaasha Korontada ee Somaliland, si ay dadweynuhu u helaan laydh jaban.
Shalay ayaa mashruucan qaybtii Somaliland laga daah-furay, halka ka Muqdisho 26-kii Bishii October isna laga daah furay.
Mashruucan waxa fulinaaya Wasaaraddaha Maaliyadda, Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland iyo Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Tamarta ee Dawladda Federaalka ee Somalia. Muxuu ka tari doonaa Mashruucan Laydhka qaaliga ah ee haysta bulshada Somaliland?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here