Arrin Argagax iyo Naxdin Ah Oo Maanta Ka Dhacday Magaalada Hargeysa Ka Dha

0
105

Hargeysa(Baraarugtv.com)-Dhacdo naxdin badnayd:
Gabadh wadatay gaadhi Haariyar ah ayaa saaka inta ay dhamaan daaqadaha u xidhay kaga dhex tagtay ilmo yar oo ay dhashay iyo gabadh shaqaale u ah si ay kaadhka muwaadinka uga soo qaadato wasaaradda arrimaha gudaha.
Ilmihii yaraa iyo gabadhii oo neef qabatoobay ayey dad ag marayey arkeen, waxaanay ugu yeedhaan askarta booliiska ah ee wasaaradda si ay gabadha ugu yeedhaan si looga furro gaadhiga balse mar walba iyagoo faramadhan ayey soo noqdaan.
Dadkii goobta joogay baa isku dayey gabadha gaadhiga ilmaha kula dhex xaniban inay ku yidhaahdaan daaqada fur, balse gabadha oo ah itoobiyaanad ayaa furi kari weyday maadaama gaadhiga uu ku xidhnaa rimuut.
Goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo ay neef qabatoobeen gabadhii iyo Ilmihii yaraa ayaa daaqada dirawalka loo tilmaamay gabadhii oo neefsan kari la’.
Nasiib wanaag mar danbe ayey gacantii la heshay oo ay sidii ku furtay? Waxaana laga soo dhex saaray iyaga oo bestood ah.
Hooyadii ilmaha dhashay ee gaadhiga wadatay ayaa dar alle usoo baxday iyadoo ilmihii iyo gabadhii geed hoostii lagu baxnaaninayo.
Markii ay maqashay catawga iyo canaanta iyo habaarka lala garab taagan yahay gaadhiga iyo labada qof ayey dareentay dhacdada meesha loogu ururssn yahay, markii ay garwaaqsatay qaladka ay samaysayna hadalba wuu ka soo bixi waayey.
Hooyadii oo dhaqaaqi kari la’ kaadhkii aqoonsiga ee ay wasaaradda kala soo baxdayna gacanta ku haysa ayaa naxdintii oa soo dhaqaaqnay.
Iska jira dhacdadan oo kale.

Qore: maxamuud cabdi Jaamac (xuuto)