“AnagooTacadi Tirsanayna. Kaligood Ayaa…”

0
140

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Sarkaal ka tirsan Madaarka diyaaraddaha ee magaalada Hargeysa Cigaal,ayaa maanta sii daayey hadal isugu jira tadhaadhac iyo cantara baqash .isla markaana sarkaalkan ka tirsan xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, ee u hadlay Madaarka Hargeysa,ayaa caddeeyay in masuulka u qaabilsan hawada iyo madaarada dawladda faderaalka soomaaliya ay xukumu jireen madaarka Hargeysa,kaasoo tilmaamey in mudo dheer baryayeen.

“Ninka haysta madaaradda iyo hawada soomaaliya Axmed Macalin oo aanu muddo dheer la xidhiidhaynay. Hawada dawladda soomaaliya kaligood ayaa maamulaayey.anagoo intaa tacadi tirsanayna. Waxaanu dacwad gaadhsiinay xafiiska qaramadda midoobay ee Nayroobi.wax jawaab ah kama hayno.”Sidaa ayuu yidhi sarkaalka u hadlay madaarka Hargeysa oo u waramay warbaahinta maamulka muuse biixi.