“Ama Masaajid Ka Hadla,Ama Dad Mudaharaadaya Ka Hadla,Afkiina Reer Xamar Tihiin”

0
159

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in siyaasiyiinta reer Muqdisho ay dagaal kali ku yihiin ay ku hayaan Somaliland iyo Itoobiya.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan). Oo maanta ugu waramayey warbaahinta magaalada Hargeysa,ayaa ku eeddeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud innuu galay qalad wayn oo sharci isaga oo sheegay in khudbad rasmi ah uu ku sheegay in anay jirin xuduud rasmi ah oo u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo gaf sharci oo wayn ah.

“Madaxweynaha Soomaaliya maalin dhawayd oo uu hadlayay qalad wayn oo sharci ayuu galay, marka meel aad marayso aad garanwaydo hadalku waa kaa tag tagayaa, wuxuu yidhi xuduud anaga iyo Itoobiya noo dhaxaysa oo sharci ahi ma jirto” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirka ayaa sheegay in siyaasiyiinta kasoo jeeda magaalada Muqdisho ay Somaliland ku hayaan dagaal aanay Soomaalida kale ku wehelin.

“Ama masaajid ka hadla, ama dad mudaharaadaya ka hadla oo, afkiiniina qiimihii ka dhamaa, Somaliland-na eed iyo godob, ayaad u qaadeen hadaad siyaasiyiinta reer Xamar tihiin” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa aad uga cadhootay heshiiska badda ee dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo ku tilmaantay xadgudub ay Itoobiya ku samaysay madaxbannaanida Soomaaliya.