Xubintii u Matelaysay Xisbiga Waddani koomishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Is-casilay &Magacaabista xubinta Cusub beesha Ay ka soo jeedo?-

0
77

Hargeysa,(baraatugtv.com)-khilaaf madaxweyne Muuse Biixi ka dhex-bilaabey mar kale xubnaha koomidhanka doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada somaliland,ayaa ls sheegay in ay galaafatey xubintii xisbigs mucaaridka ah ee Waddani Cabdicasiis.

ilo-wareedo lagu kalsoon yahey,una dhuun daloola xisbiga waddani iyo koomishanka doorashooyinka,ayaa u xaqiijiyey shabakadda caalamiga ah ee Baraarugtv.com in uu iscasilay xubintii xisbiga Waddani u metelaysay Kominshanka Doorashooyinka  Cabdicasiis Xirsi Warsame .isla markaana uu shaacin doono maalinta berito ah iscasilaadiisa xubin nimadii Giddida koomishanka doorashooyinka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in xisbiga Waddani uu diyaariyey xubintii badelaysay ama u matelaysay Guddida koomishanka doorashooyinka isa-saatan ee madaxtooyada iyo ururada somaliland oo ku beegan xilliga ay dhacayso 13-ka/11/2024-ka oo ku beegan sanadkan.isla markaana waxa la xusay in xubinta xisbiga waddani u magacaabey ee uu soo xulay ka soo jeedo magaalada Ceerigaabo.