Muxuu Daaran Yahey Shirarka Todobaadyaddii Ugu Dambeeyay Ku Dhex-maraaya Mareeyaha Dekedaha Iyo Masuuliyiin xukuumadda Somaliland Ah Magaaladda Berbera?

0
81

Berbera,(Baraarugtv.com)-Mareeyaha Dekeddaha iyo biyaha Somaliland Eng.Siciid Xassan Cabdillaahi,ayaa todobaad-yaddii ugu dambeeyay shirar kala duwan ku dhex-marayey weftiyo isugu jira Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Wasiiradda Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo wasiirkaH. Beeraha iyo Isgaadhsiinta & Tignoolajiyadda, oo safar shaqo ku tegay Magaalada Berbera.Isla Markaana Mareeyaha Dekedaha ayaa shaley kulan xog-waraysi ah oo ku saabsan adeegyadda casriga ah ay bixiso ama sidday u socoto shaqada dekedda Berbera uga waramey Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Wasiiradda H. Beeraha iyo Isgaadhsiinta & Tignoolajiyadda.   Geesta kale,Mareeyaha ayaa maanta kulan kale la qaatey daneeyayaasha Dekedda Berbera, iyo Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Sacad Cali Shire,isagoo shirkan ku saabsanaa xalinta caqabadaha. “Waxaa aannu shir ku wada qaadanay xafiiskayga daneeyayaasha Dekedda Berbera, shirkan oo ku saabsanaa xalinta caqabadaha ay wajahaan ganacsatada isticmaasha Dekedda Berbera. Kulankan oo ah mid bille ah, waxa ka soo qayb galay, Wasiirka Wasaaradda H.Maaliyadda, Guddoomiyaha G/Saaxil, Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada, Xubno ka socday wakiilada Maraakiibta iyo xubnaha wakiilada ganacsatada dalka.”Ayuu yidhi Mareeyaha Dekeddaha iyo Biyaha Bada-cas ee dalka Somaliland Eng.Siciid Xassan Cabddillaahi.