“405 Dekadood oo Caalamka ah,la qiimeeyey Dekedda Berbera waxay..”

0
180

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Khudbadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dhameystiran halkan ka akhri:-“Dekedda dhererkeedu imika waa 1,050 Meters Quay. Joogga Dekedduna 16 Mitir, taas oo ay ku soo xidhan karaan maraakiibta culus ee qaada 18,000 oo Kaytaynar oo dhererkoodu yahay 20 Feet.

405 Dekadood oo Caalamka ah oo la qiimeeyey Dekedda Berbera waxa ay Tartanka Adeeg wac-naanta ka gashay Numberka 106-aad, waxay hormood u noqotay Dawladaha Saxaraha Affrika ka hooseeya. Tartankan waxa soo bandhigay Baanka Aduunka. Madaxda iyo Shaqaalaha Dekeddu waxay mudan yihiin amaan iyo boggaadin. 1,358 Shaqaale oo joogto ah ayaa Dekedda Ka Shaqeeya iyo 2,000 oo Shaqaale aan joogto ahayn, marka dhismaha dhismaha qaybta labaad ee Dekeddu dhammaadana waxa shaqo geli doonna intaas in leeg.

Waxa la filayaa in dhawaan la bilaabo Wejiga Labaad ee dhismaha Dekedda Berbera oo dhan 600 Mitir, waxaanu bilaaban doonaa marka la saxeexo dhawaan Heshiiska Ganacsi ee Marinka Dhaqaalaha ee Berbera (Berbera Corridor).

Kuwa Xamar Jooga Markaad Isku Tagtaan Anaguna Waan Idiin Imanaynaa Sandulay Nagu Tahay Somaliland
Kuwa Xamar Jooga Markaad Isku Tagtaan Anaguna Waan Idiin Imanaynaa Sandulay Nagu Tahay Somaliland

Hiigsigeenu waxa weeyi in dhererka Dekedda Berbera noqdo 1,600 Mitir, sannadkiina rogi karto 2 Million oo Koontayner.

 Wiishashka waaweyn ee Dekedda Berbera waxa hadda ku xidhan Saddex Wiish oo waaweyn (Cranes). Marka Wejiga Labaad ee 600 Mitir dhammaado, waxa lagu xidhi doonaa Dekedda 7 Wiish (Cranes) oo waaweyn oo cusub, tirada Wiishashka waaweyna waxa la gaadhsiin doonaa 10 Wiish.

Waxa la dhammaystiray Aagga Cashuuraha Ka Caagan ee Berbera (Berbera Economic Zone), waxaana hadda ka diiwaan-gashay 33 Shirkadood”. Qayb kamid ah khudbad Sanaadeedkii Madaxweyne Muuse Biixi”