Xog Sir ah÷maxay tahey ujeeddada madaxweyne mustafe cagjar uu kala hadlay Muuse Biixi Cabdi?

0
1227
Hargeysa,(baraarugbews.net)-Dawlad-deegaanka ismaamulka soomaalida Itoobiya,ayaa la sheegay in safarka ay ku yimaadeen magaalada Hargeysa arrimo la xidhiidha dagaalka u dhaxeeya dawlada Raysal,wasaare Abiy Axmed iyo kooxda digrayga TPLF. Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wafti uu hogaaminayo, oo safar dhinaca dhulka ah Somaliland kusoo gaadhay, ayaa sheegay in uu u socda sidii Somaliland iyo deegaankiisu iskaga kaashan lahaayeen ka gudbista dhibaatooyinka ka jira Geeska Afrika ka jira.
“Waxaanu u soconaa in aanu masuuliyiinta iyo madaxda Somaliland kala hadalo arrimo la xidhiidha iskaashiga guud, sida dhaqaalaha, isdhexgalka bulshada, tan iyo markii uu isbadalku deegaanka ka dhacay, iyadoo dadku ay horayba walaalo u ahaayeen hadana is badal balaadhan ayaa ka jira dhinaca is dhexgalka” ayuu yidhi Cagjar.
“Somaliland oo ah dad aanu walaalo nahay, dowlad aanu jecelnahay, in xaaladaha geeska ee soo kordhay aanay samayn xun nagu yeelan, dhinaca amnigana sidii loosii adkayn lahaa ayaanu u soconaa”.
Madaxweyne Cagjar ayaa sheegay in uu saxaafada la wadaagi doono waxa ay isla meel dhigaan madaxda Somaliland kadib markay kulamo qaataan.
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa magaalo xuduudeeda Tog-wajaale kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo saraakiil kale oo xukuumada Somaliland ka tirsan.  Xogo hoose ayaa u sheegay shabakada baraarugnews.net in madaxweyne mustafe cagjar uu kulanka Muuse Biixi Cabdi uu kala hadlay in somaliland ciidamo ugu deeqdo dagaalka tigriiga ee TPLF, isla markaana Madaxweyne Muuse Bixi ayaa loo soo jeediyey inuu taageero qaybna ka noqdo dagaalka kula jiro Raysal,wasaare Abiy Axmed ee dawlada Itoobiya taageero maamulka Muuse Biixi ayaa la sheegay in weftiga Madaxweyne Mustafe Cagjar ku salaysnaa safarkiisa magaalada Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here