Xildhibaanadii ka soo jeeday beesha Farmaajo, Oo maanta go’aan laga gaadhay Cidda Noqonaysa Ceelwaaq Iyo Gobolka Gedo

0
319

Muqdisho,(Baraarugnews.net)- Mudanayaashii ka soo jeeday  beesha Madaxweyne Farmaajo, ayaa maanta go’aan laga gaadhay xubnaha isku haystey kuraasta beesha Mareexaanka.

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11 -aad ee dalka Soomaaliya ayaa goordhaw go’aan rasmi ah kasoo saaray murankii ka taagnaa maalmahii lasoo dhaafay sharci ahaan shiyaha Xildhibaanadda lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey ee gobolka ee Gedo.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in go’aankan ay soo saareen kadib markii ay arkeen in Xildhibaanadda lagu soo doortay Ceelwaaq ay yihiin kuwa soo maray dhamaan habraacyadii doorashada, islamarkaana uu taageeray doorashadaasi Raysal wasaaraha dalka oo ahaa madaxa doorashooyinka dadban ee dalka.

sidoo kale qoraalka kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka lagu sheegay in xildhibaanada sheeganaya in lagu soo doortey degmada Garbahaarey aanay heysan Shahaadadii guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ee Heer Federaal, islamarkaana aanay doorshadooda qaban guddiga hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed.

Halkan hoose ka akhriso waraaqda

Xildhibaanadii ka soo jeeday  beesha Farmaajo, Oo maanta go’aan laga gaadhay Cidda Noqonaysa Ceelwaaq Iyo Gobolka Gedo
Xildhibaanadii ka soo jeeday beesha Farmaajo, Oo maanta go’aan laga gaadhay Cidda Noqonaysa Ceelwaaq Iyo Gobolka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here