Xil Guruuje”waxaa ii cadaatey in aan mustaqbalka madaxwayne noqonayo “

0
586

“waxaa ii cadaatey in aan mustaqbalka madaxwayne noqonayo ” .

W/Q Xil Axmed Nuur Guruuje

1 – Axmed Maxamed Siilaanyo intii aanu noqon madaxwayne waxaa lagga joojiyay xafladdo badan sidda tii hotel guuleed iyo kaah hotel , waxaanu noqday madaxwayne .

Yaa ka joojiyay , saaxiibadii la shaqeeyay markii uu madaxwayne noqdey .

2- madaxwayne Muuse Biixi , markii ay siilaanyo loolameen waxaa sawiraddiisa suuqa lagaga jarjarey baabuurta , saaxiibadiina waa la cadaadiyay , aakhirkiina wuxuu noqday madaxwayne .

Yaa madaxwayne Muuse waagaa cadaadinayay , asxaab badan oo badhkood imika la shaqeeyaan .

3- Dr Gaboose waxaa loo diidey burco iyo ceergaabo , wuxuu noqdey wasiiru daakhili .

Yaa u diidey , asxaab badan oo uu markii danbe madax u noqdey .

Sidaa markay tahey , waxaan ku faraxsanahey in aan ku biirey liiska siyaasiyiinta lagga joojiyay xafladaha , waxaana ii cadaatey saadaasha ah in aan mustaqbalka madaxwayne aan noqonayo .

Asxaabta is xulqaantey ee xaflada joojisayna waxaan leeyahey waa mahadsantihiin , waayo waxaa I gaadhsiiseen maqaam ka sareeya kii aan markii horre taagnaa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here