“Anigoo Ah Hodan Maxamed Iyo Saaxiibadey Nimco Ayaa Dhacdo La Yaab Ah Kala Kulanay Mareeyaha Dekedda Berbera

0
134

Berbera'(BaraarugTV.com)-“Magacaygu waa Hodan Maxamed.waxay maanta ii tahey maalintii iigu farxada badnayd.waxaan jabiyey oo aan gaadhay halgankii  dheeraa ee adkaa waxbarashadii aan ku jiray ayaanu maanta soo gaba-gebeeyay aniga iyo hablo badan oo saaxiibo waxbarashadu na walaaleysay qalinjebinta Jaamacadda culuumta badda iyo kalluumaysiga ee Berbera.

Aniga iyo hamlihii Ardaydaydii galaaska wada dhigan jirnay intii aanu ku jirnay waxbarashada tababarka ku qaadanaynay Dekedda Berbera iyo fuulista maraakiibta timaada Dekedda oo aanu cilmi badan ka baraney oo aanu ka faa’iidaysanay’si baratakal ah.waxaan ilaawi-karin aniga iyo hamlihii kale caawin iyo guubaabadii Mareeyaha dekeda Berber Eng.Siciid Xasan Cabdillaahi’sida waa lidkay oo kale ayuu mar walba nooga war hayn jiray gaar ahaan hamlahayaga markasta oo tababarka samaynayo ee fuulno maraakiibta timaada Berbera.isagoo lugaynaaya ayuu noogu iman jiray goobta’aniga iyo hamlaha kale tababarka ku samaynayno ee markabka dushiisa.wuxuu nagala sheekaysan jiray waxbarashadayada iyo tabarka aanu ku qaadano maraakiibta dushiisa ee ay nagu siin jireen macalimiin heer caalamihi ah’aqoon dheer u leh aqoonta culuunta biyaha badda iyo kaluumaysiga .waxyaabaha layaabka ah iyo cajiibka ah ee aan kala kulmay maareeyaha dekeda magaalada Berbera Eng.Siciid Xasan Cabdillaahi.waxa ka mid ah aniga iyo inan saaxiibadey Nimco oo fadhina meel ka mid ah markabkii dushiisa xilli aanu ka soo baxnay tababarkii’aadna u daalan.intuu na soo agfadhiistay ayuu yidhi adeer ii warama.aniga iyo saaaxiibadey Nimco wadnuhuna aad noo garaacmayo naxdin darteed is ku mar-qudha ayaanu si degdeg ah ku nidhi nabad anagoo aad u naxsan.markiiba waxa maskaxdayada ku soo dhacday talow ma macalimiintii ayaa idinka dacwaysay mareeyihii dekedaha.intuu aktayada soo fadhiistay ayuu nagala sheekaystay tababarka markab taagnaa aanu ku sabaynay.markii aanu u waranay’aadna uu nagala sheekaystay aqoonta aanu baranayno.ka dib wuxuu nooga waramay aqoonta aanu barano faa’iidada dal ahaan iyo shacab ahaan u leedahay.wuxuu na waydiiyey noloshayada qoys ahaan iyo anaga.waxaan aad u dheehanayey qalbigiisa iyo wajigiisa naxariista leh ee uu noo miijinayo.wuxuu nagu yidhi aniga iyo inantii kale adeerkii ayaan ahey’waxaana la mid tihiin hamlaheyga oo kale ee wax kasta oo aad u baahataan ha igala xishoonina ii sheega’aniga ayaa diyaar idiin ah’xafiiskana iigu kaalaya markasta oo aad wax idinku soo kordho.dawladdiinii somaliland ayaa idiin diyaar ah.si yaasada dawladu waxa weeye in si gaar ah hamlaha waxbaranaayana ay gacan qabato.inkastoo aan halkan ku soo koobi karin sida uu uga warhayey intaanu tababarka aanu ku jirnay Maraakiibta biyaha badda Somaliland Eng.Siciid Xasan Cabdillaahi”.

Waxa qortay Hodan Maxamed oo ka mid aheyd ardaydii shalay ka qalin jabisay jaamacada culuunta biyaha badda iyo kaluumaysiga ee Gobolka Saaxil ee Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here