Xaggee ku dambeeyay Sanduuqii Horumarinta Dhallinyarada SL Ee Lacagta badan lagu shubay?

0
275

Hambalyada Maalinta dhalinyarada adduunka ee xisbiga WADDANI

W/Q guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Ee Xisbiga WADDANI Cabdirashiid cabdi Jaamac
Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhalinyarada adduunka gaar ahaan dhalinyarada reer Somaliland weliba taageerayaasha xisbiga WADDANI oo aan ugu hambalyaynayo Maalinta Dhaalinyarada Caalamka oo maanta dunida oo dhan laga xusayo.
Walaalayaal sidaan la socono Somaliland waxa ay soo martay marxalado kala duwan oo waayaheeda watay, dhalinyaraduna ay hormuud ka ahaayeen, mudadaas ay dowladnimada Somaliland jirto haba yaraatee ma jirin cid ka garaabaysay waxna iska waydiinaysay qul-qulka ku dhacay ubaxii dalkan oo badaha caalamka siyaabo kala duwan ugu geeriyoonayay iyaga oo nolol qurux badan ka raadsanayay dalalka reer Yurub.
Xukuumadihii iskaga kala dambeeyay ma jirin qorshe iyo qiil loo sameeyay dhalinyarada dalka, marka laga yimaaddo in lagu magac qaato loona samaysto akoono magacooda lagu qoray laakiin cid kale maamulato, oo aan soo dhaafin kolba cida gacanta ku haysa, waxaana tusaale inoogu filan sanduuqii horumarinta dhalinyarada Somaliland loo furay ee madaxweynuhuna $200,000 oo dollar ku shubay oo ilaa hada aan la garanayn waxa lagu qabtay iyo meesha lala tagay.
Waxa iyaduna fadhiid ah wasaaraddii dhalinyarada oo aan haba yaraatee hal qorshe sanadeed ah u samayn muddada ay xukuumadda hadda joogtaa jirto dhalinyarada reer Somaliland.
Ugu dambayn waxa guul iyo badhaadhe ah, in maanta ay inoo dhacday doorasho qurux badan oo dhalinyarada Somaliland ay isbadalkaas calanka u sideen. Waxaanad ogaataan in xildhibaannadii aynu dooranay ee golayaasha deegaanada iyo wakiilladuba ay la xisaabtami doonaan, wasiirrada iyo cid walba oo ku macaashta magaca dhalinyarada qiimaha leh ee dalkani leeyahay.

Allaa Mahad Leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here