“Xadhiga Wuxuu Dhaawac iyo Xad-gudub wayn ku yahay Dimuq-raadiyadda Iyo Madax-banaanida”

0
135

” “.
Hargeysa,(BaraarugTv.com)-“Waxaanu si adag u Canbaaraynayaa Xadhiga Iyo Weerarka lagu qaaday Xarunta Telefishanka MM-TV

Xadhiga Suxufiyiintu Wuxuu Dhaawac iyo Xad-gudub wayn ku yahay Dimuq-raadiyadda Iyo Madax-banaanida War-baahinta Madaxa-banaan Kaas oo uu Damaanad qaaday Dastuurka JSL

Bahda Saxaafadu Waxay Kaalin wayn kaga Jiraan Horu-marka qaranka JSL, iyaga oo aan Helin Xuquuq Wixii ay qarankan Xaq-ugu lahaayeen, Hadana Kama daalaan Horu-marka Qaranka

Xukuumaduna Xadhig,Cabudhin iyo Jidhdil ayay ugu dartaa iska daa Xuquuq ay ka helaane

Xukuumadani Hore ayay ugu Caan Baxday Xadhiga Suxufiyiinta,Siyaasiyiinta,Meheradaha Warbaahinta Iyo Xadhiga Dadkeeda ay Xukunto Waxaanu Leenahay ha La Soo Daayo Wari-ya-yaasha Xidh-xidhan ee aan Xadhigooda loo marin Sifo Sharciya.

Xadhiga Suxufiga aan Xadhigiisa Wado sharciya Loo Marin Sharaf daro mooyee Waxaad ka faaiidaysaan ma jiro ee Deg deg Xoriyadoodii ha u Helaan
Gudoomiyaha Tv-ga Maxamed Cabdi Kheekh (ILIG), Wariye Maxamed ( Andar ) iyo Sawir-qaadahooduba.”Ayuu yidhi xoghayaha xisbiga UCID Yuusuf.