“Waxaan u mahad-celinayaa madaxda Qaranka Soomaaliya.safarka aan ku imi Muqdisho wuxuu…”

0
383

Muqdisho,(Baraarugnews net) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka tirsan madaxda dhaqanka ee Somaliland, ayaa safar ku tagay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana halkaa kusoo dhaweeyay, saraakiil sar sare oo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo uu ugu horeeyo raysal wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed, kooxaha fanka iyo dadwayne kala duwan. Boqor Buurmadow ma sheegin sababta dhab ta ah ee ka danbaysa, socdaalkiisa Muqdisho, wuxuuna ku gaabsaday in safarkiisu uu yahay safar uu ku marayo badiba dalalka Geeska Afrika.”Waan u mahadcelinyaa madaxda qaranka ee halkan igu soo dhawaysay ee ay ugu horeeyaan wasiirada, raysal wasaare ku xigeenka iyo guddoomiye ku xigeenka baarlamanka, safarkaygu safarkii aan gobolka ku marayay ayuunbuu ka midyahay, ee aan kasoo bilaabay Addisababa, Nairobi iyo halkan” ayuu yidhi Buurmadow.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ku hadlayay afka madaxda dhaqanka, oo kamid ahaa madaxdii boqorka soo dhawaysay ayaa sheegay in boqorku kulamo danbe bulshada iyo madaxda la yeelan doono.

Socdaalka boqorka ayaa waxa la rumaysanyahay in uu keenay khilaaf la tuhunsanyahay in uu ka jiro qaybinta kuraasta xildhibaannada Somaliland kasoo jeeda ee lagu dooranayo Muqdisho, boqorka ayaana horay safar uu isla sannadkan ku tagay Muqdisho gacan ka gaystay xalinta Khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare ku xigeen Mahdi Maxamed Guleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi. Xigasho hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here