Wasiirkii Oo Garab Rarato Noqday

0
325

Wasiirkii Oo Garab Rarato Noqday

Wasiirkii is-gaadhsiinta iyo teknoolajiyada ee Afqaanistaan Sayid Axmed Saadaat, ayaa dalka Jarmalka kaga shaqaysta baaskiil uu dadka ugu qaado dalabaadka ay internet ka (online) ama talefan ku soo dalbadaan.

Wargeyska Leipziger Volkszeitung oo ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa cadadkiisii horraantii toddobaadkan waxa uu ku sheegay in wasiir Saadaat uu bishii Diisambar 2020 kii u guuray magaalada Leipzig ee dalkaas, kaddib markii uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee dawladda Afqaanistaan.

Wargeysku waxa uu intaas ku daray, in Saadaat, uu shaqo hoosaaddan ka helay mid ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya in ay dadka u qaadaan dalabaadka cuntada ah. Isaga oo wasiirka hore qudhiisana ka soo xigtay, “Waqtigan waxa aan noolahay nolol basiid ah, laakiin ammaan ayaa aan ku dareemayaa Jarmalka, farxad ayaanan ku noolahay magaaladan Leipzig.

Qorshahaygu waa in aan urursado lacag, si aan u galo koorsooyin afka jarmalka aan ku barto” ayaa uu yidhi wasiirkan oo ka tirsanaa xukuumadda madaxweynihii dhowaan Daalibaan uga cararay Kabul ee Ashrax Qaani. Isaga oo intaas ku sii daray, in uu codsiyo badan oo shaqo dirtay, laakiin aanu helin jawaab aan ahayn tan hadda uu ka shaqeeyo. Waxa se uu sheegay in riyadiisu ay tahay in uu shaqo ka helo shirkadda isgaadhsiinta ee dalka Jarmalka.

Kamaal Marajaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here