Hargeysa,Baraarugnews.net),Ceeb iyo fadeexad quudhsi ah ayey arrinta Xadhiga Ugaas Axmed Saleeban Shide (ugaas mahiigan),ee talaabada maanta uu ku xidhay Wasiir Maxamed Kaahin Axmed. sidee carabkaaga u soo marisaa in Boqor Buurmadow caydiisii wasiir Xasan Gafaadhi ka difaacdo Wasiirka Beesha Muuse Abokor Xasan Gafaadhi,markaa yaa ku yidhe taageer Beesha Muuse Abokor ee Biciide? Wasiirka arrimaha gudaha maamulka muuse biixi maxamed kaahin axmed ayaa saaka xidhay ugaas Axmed Saleebaan shide (ugaas mahiigan),iyadoo ciidamada boolisku saaka ka soo qabteen gurigiisa oo ku yaal xaafada Goljano ee magaalada Hargeysa. Ehelada ugaas axmed saleebaan ayaa noo xaqiijiyey xadhiga ugaas axmed,isla markaana wiilka uu dhalay wasiir maxamed kaahin ee lagu magacaabo Guuleed maxamed kaahin axmed oo watey gaadhigii aabihii ee wasiirka arimaha gudaha maxed kaahin iyo labo gaadhi cabdi bile ah ama loo yaqaan faylaha oo ciidan ah wiilka uu dhalay maxamed kaahin ayaa u sheegay ugaas axmed saleebaan ku yidhi adigoo reer daahir ah gaar ahaan reer yuusuf ayaad Muuse Abokor u hiilinaysaa,oo aad aabahey ka raacday iyo erayo hanjabaad ah ayuu lahaa guuled maxamed kaahin marka laga soo xidhaayey guriga ee laqabtay ugaas axmed saleebaan shide. Ugaas axmed saleebaan ayaa hada ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada hargeysa,sida loo xaqiijiyey Warbaahinta Baraarugnews .net. ugaas axmex ayaa todobaadkan aynu ku jirno waraysi uu siiyey telifeeshanka Eryal ka difaacay eedo boqor cismaan buur madow u jeediyey wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Xasan Gafaadhi,taasoo la sheegay in lagu xidhay wareysiga oo uu kaga hadley loolanka 6⁶ gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee u dhaxeeya wasiiradda Maxamed Kashin Axmed iyo wasiir Xasan Gafaadhi oo ugaas Axmed saleebaan kaga hadley wareysigaas uu siiyey tvga eryal.iyadoo lagu yidhi ugaas axmed wasiir maxamed kaahin ayaa ku soo xidhay ee maxaad wasiirka beesha muuse Abokor ee Biciide xasan gafaadhi u taageertey murashaxnimada jagads gudoomiyaha xisbiga kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here