“Dayn Cafinta Soomaaliya Shaqo U Abuuri Doontaa Kumanaan kun Oo Dhalinyarada Ah Ee..”

0
74

Hargeysa,(BaraarugTV)-Shirkadda xawaaladaha ee ugu horraysa qaarada geeska Afrika ee Dahabshiil ayaa bayaan ay soo saartay ku soo dhawaysay tallaabada ay qaadeen labada hay’adood ee maaliyadeed ee caalamiga ah, waxaanay sheegtay inay dhiirigelin doonto horumarka ganacsiga.

“Deynta US 4.5 milyan ah ee laga cafiyey Bankiga Adduunka iyo IMF waxa ay xoojin doontaa dhaqaalaha, kor u qaadi doonta shaqo abuurka iyo soo jiidashada maalgashiga,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka shirkadda Dahabshiil.

Shirkadda Dahabshiil waxay intaa sii raacisay oo ay tidhi sidan. “Shirkad ahaan waxa aanu had iyo jeer u taaganahay horumarka dhaqaale iyo horumarinta ganacsiga ee gobolka.”

Sidoo kale, Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group Cabdirashiid Ducaale, ayaa yidhi, “Gobolku wuu furmayaa., deyn cafiskuna kuma koobna oo keliya koboc gudaha ah, balse waxa kale oo uu yidhi; gobolka Bariga Afrika oo sidoo kale laga helay war wanaagsan oo ku saabsan ballaadhinta EAC. Ganacsatada, deyn cafinta waxay u furaysaa fursado badan oo maalgashadayayaasha ah, taasna waxay shaqo u abuuri doontaa kumanaan kun oo dhalinyarada ah ee gobolka .waxayna gacan ka geysan doontaa dhismaha dhaqaalaha” ayuu yidhi cabdirashiid Ducaale.

Maamulaha guud ee dahabshiil oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi.“Gobolku waxa uu leeyahay saami-qaybsi bulsho marka loo eego tirada dadka ku nool. Ganacsatadu waxay tani u arkaan fursad muhiim u ah ganacsiga. Dahabshiil ahaan. waxaanu maalgashi waara ku samaynay wadamo badan oo qaaradda ah. waanan soo dhawaynaynaa tallaabadan ay qaadeen IMF iyo Baanka Adduunka. Mahadsanidiin.waxaan hadda kaalin weyn ka qaadan doonnaa kobaca dhaqaale ee gobolka iyo qaaraddaba”.

Haddalka maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil,ayaa ku soo beegmaaya Arbacadii todobaadkan u dambeeyay ay ku dhawaaqeen labada ha,yaddood dayntii laga cafiyey soomaaliya Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA)  ansixiyay deyn cafinta Arbacadii. Isla markaana Labada hay’adood ayaa sheegay in tani ay fududeyn doonto helitaanka ilo dhaqaale oo dheeri ah oo muhiim ah.