Waa Maxay U-Jeeddada ka dambaysa Ciidamada Badda ee Dalka Itoobiya?

0
393
Waa Maxay U-Jeeddada ka dambaysa Ciidamada Badda ee Dalka Itoobiya?
Waa Maxay U-Jeeddada ka dambaysa Ciidamada Badda ee Dalka Itoobiya?

Waa Maxay U-Jeeddada ka dambaysa Ciidamada Badda ee Dalka Itoobiya?
Xaggee saldhig badeed looga helayaa Ciidamada Badda ee Itoobiya?

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Dalka Itoobiya, ayaa ku hawlan dhismaha ciidanka bada innuu yeesho, isla markaana Dalka Itoobiya oo aan lahayn wax bad a, ayaa sannadihii la soo dhaafay ku howlanaa dhismaha ciidamada badda, kuwaasoo laga leeyahay ujeeddooyin muhiim ah.
Tan iyo horraantii 1990-kii, Itoobiya ma lahayn ciidamo badeed oo shaqeeya, inkastoo waddanka uu horay u lahaa awood ciidan oo dhanka badda ah.Islamarkii uu Abiy Axmed noqday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya 2018-kii, waxaa howlihii uu guda galay ka mid ahaa inuu ka shaqeeyo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa cududda ciidanka badda ee waddankiisa Itoobiya.Wakaaladda Wararka Fanaa ee ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa soo xigatay Mr Abiy oo sheegaya in dib u habeynta militariga ay tahay .”In lala jaan qaadsiiyo dunida isbaddalka degdegga ah sameyneysa. sidoo kalena ku tallaabsaneysa horumarka dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda”. Si ay xukuumadda Addis Ababa dib ugu yagleesho ciidankeeda badda, waxay u baahan tahay dalal ka caawiya dhinaca helitaanka badda oo ku yaalla Gobolka Geeska Afrika, sida uu qoray bogga online-ka ee Naval Post, oo ka faallooda arrimaha militariga iyo awoodda ciidamada badda.
Wararka ku saabsan in Addis Aaba ay dib u dhiseyso awoodda ciidamada badda ayaa soo shaac baxay kaddib markii Mr Abiy Axmed uu kulan la yeeshay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, oo u balan qaaday inuu dowlad ahaan Itoobiya ka caawin doono dib u dhiska ciidanka badda.
2019-kii ayay Itoobiya iyo Faransiiska kala saxiixdeen heshiiskii ugu horreeyay ee ku saabsan wadashaqeynta dhismaha ciidamada. nWaxay u muuqataa in Faransiiska uu yahay dalka waddankan ku yaalla Bariga Afrika garabka ku siinaya tababarrada iyo qalabeynta Ciidanka Badda.
Waa Maxay U-Jeeddada ka dambaysa Ciidamada Badda ee Dalka Itoobiya?
Itoobiya ayaa la aaminsan yahay inay isku dayeyso, siddii ay saameyn dhanka awoodda ah ugu yeelan lahayd Gobolka dhinaca bari eebiyaha Badda Cas, ayna la wareegto illaalinta amniga marinnada badda ee ay isticmaalaan maraakiibta ganacsiga ee Itoobiya.
Inta badan maraakiibta badeecooyinka u wada Itoobiya ayaa adeegsada badda Cas iyo Gacanka Cadan.
Arrintan waxay ku soo adaday xilli gobolka ay ka jireen dhaqdhaqaaqyada kooxaha burcad badeedda, walow ay howlgalladooda hoos u dhaceen wixii ka dambeeyay markii ciidamo caalami ah lasoo dhoobay biyaha badweynta Hindiya.
Xaggee saldhig badeed looga helayaa Ciidamada Badda ee Itoobiya?
Wixii ka horreeyay 1990-kii Itoobiya ma ahayn waddan bad la’aan ah, ciidamadeeda badduna si buuxda ayay u shaqeynayeen. Wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ka dhacay Itoobiya sanadkii 1991-kii, Itoobiya waxay weysay xeebteeda, oo ay ku jirtay dekedda muhiimka u ahayd ee Casab, taasoo waddanka ka dhigtay mid aan bad lahayn kaddib markii ay Eritrea ku dhawaaqday madaxbannaanideeda dalkeeda. Arrintaas ayaa Itoobiya ku khasabtay inay howlgallada ciidamadeeda badda u wareejiso saldhig ku yaalla waddanka Yemen. Balse dhowr sano kaddib, 1993-kii, dowladda Yemen waxay dalkeeda kasoo ceyrisay maraakiibta ciidamada badda ee dalka Itoobiya, sidaas awgeedna Addis’Ababa waxay go’aansatay inay u wareejiso dhinaca dalka Jabuuti oo ay la gashay heshiis ay kiro ku bixiso.
Hase yeeshee, 1996-kii, Itoobiya waxay ku guul darreysatay bixinta lacagihii kirada ahaa. Taasi waxa ay keentay in Jabuuti ay la wareegto maraakiibta Ciidamada Badda Itoobiya ee hadhsanaa, sida ay qortay shabakada Naval Post. Isla markaana soo nooleynta ciidanka badda ee dalka Itoobiya waxay saldhig ka heli kartaa afar waddan midkood.
Eritrea iyo Jabuuti, oo ah kuwa ugu waaweyn ee la filan karo.
Kenya, oo u muuqata in ay xoogaa ka fog tahay.
Soomaaliya oo deris kala ah dhanka kale ee xaduudka dhulka.Warar la isla-dhex marayay baraha bulshada waxay sheegayeen in Itoobiya ay daneyneyso dekedda Seylac ee Jamhuuriyadda Somaliland.Laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr Ciise Kayd Maxamuud, oo Idaacada BBC-da hadlay ayaa beeniyay wararkaas oo uu ku tilmaamay kuwo been abuur ah. “Waa arrin aanan sal iyo raad ah lahayn. nin weriye ayayna ka timid markii hore”.Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha diabadda Somaliland.
Xigasho BBC-da

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here