Urur Siyaasaddeedka Ogaal Oo Noqday Ururkii Ugu Horeeyay Oo Si rasmiya Ah u Doortay Dhismaha Hogaanka Iyo Guddoomiye Cusub &Dhamaadkii Khudbaddihii Shir-weynaha Ogaal

0
317

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Ururkii ugu horeeyay ee wajigii kowaad ku guulaysta hirgalinta qaab dhismeedkiisa iyo shuruudaha looga baahan yahay urur siyaasadeedyada cusub ee laga samaynayo dalka Somaliland, ayaa noqday Ururka Ogaal.

Urur Siyaasaddeedka Ogaal Oo Noqday Ururkii Ugu Horeeyay Oo Si rasmiya Ah u Doortay Dhismaha Hogaanka Iyo Guddoomiye Cusub &Dhamaadkii Khudbaddihii  Shir-weynaha Ogaal
Urur Siyaasaddeedka Ogaal Oo Noqday Ururkii Ugu Horeeyay Oo Si rasmiya Ah u Doortay Dhismaha Hogaanka Iyo Guddoomiye Cusub &Dhamaadkii Khudbaddihii Shir-weynaha Ogaal


Shir-weynihii Urur-Siyaasadeedka OGAAL, ayaa maanta si rasmiya loogu doortay dhamaan dhismaha iyo Hoggaanka Ururkaasi oo kala ah Guddoomiye, Gudoomiye Ku-xigeen, Xoghaye, Gudoomiye kuxigeenka kowaad Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad iyo xoghaye ku-xigeen.
Shirweynahan Ururka Ogaal oo socday muddo gaadhaysa laba cisho ah ayaa waxa ka soo qeybgalay Ergooyinka ka kala socday dhamaan deegaanada iyo Gobolada kala duwan ee dalka Somaliland oodhan.
Waxaanay Ergooyinkii ka soo qeybgalay cod gacan taaga ku ansixiyeen magaca, Astaanta, Calanka, Dastuurka, iyo xeer_hoosaadka urur-Siyaasadeedka OGAAL. Sidoo kale waxa cod gacantaaga lagu ansixiyey Golaha dhexe ee Ururka Ogaal.
Waxaana Shirweynaha goobjoog ahaa masuuliyiin ka socday guddida diwaangelinta Ururada iyo Axsaabta Qaranka Somaliland.
Xoghayaha Urur-Siyaasadeedka OGAAL Cabdikhaalaq Awal-BARRI oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi ” Waxaan umahadnaqayaa dhammaan bulsho-waynta reer somaliland, ergooyinka ka kala yimi gobolada iyo degmooyinka. Waxa kale oo aan u mahad naqayaa Saxaafadda. Waxaan la socod siinayaa taageerayaasha Ururka Ogaal iyo Masuuliyiinta Ururka inay u diyaar garoobaan wareegan 2-aad ee aan ku jiro sidii aan u dhamaystiri lahayn oo ah madax_taabashadii goboladii oo la-tegayo”.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka midda hoggaanka Urur-Siyaasadeedka OGAAL oo u mahad celiyey ergooyinkii ka kala yimi Gobolada Somaliland ee doortay iyo taageerayaashii ka soo qeybgalay.
Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka OGAALRooda Cabdi Muuse oo gebo-gebadii soo xadhay shirka oo halkaa ka hadashay ayaa bogaadisay ergooyinka Ururka Ogaal ee ka kala yimi Gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland iyo taageerayaasha Ururka OGAAL ee u doortay Guddoomiyaha Ururka OGAAL.
Ururka OGAAL ayaa noqonayaa ururkii ugu horeeyey ee Guddomiye u doorta Gabadh haween dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, isla markaana nasiib u heley inay shirweynihii ugu horeeyey ururada Siyaasada qabsadaan, kaasoo socday 10-11 Sep 2022-ka,.
Office hargeysa baraarugnews@gmail.com caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here