Ujeeddada:-Kulan Dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Talyaaniga

0
401
Ujeeddada:-Kulan Dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Talyaaniga
Ujeeddada:-Kulan Dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Talyaaniga

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Talyaaniga,ayaa safar socdaal ah ku tegay magaalada Muqdisho ee soomaaliya, isla markaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Luigi Di Maio, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Talyaanigu ay siiso Soomaaliya.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu xusay saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isaga oo uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dowlad dhiska Soomaaliya iyo in codka ay ku dhex leeyihiin Midowga Yurub ay ku kabaan horumarinta Soomaaliya.
Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, ayaa Madaxweynaha ugu hambalyeey xilka loo doortay, waxa uuna soo bandhigay sida dowladda Talyaanigu ay ugu garab taagan tahay qorsheyaashiisa hormarineed ee ku qotoma Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.
Sidoo kale, Dowladda Talyaaniga ayaa kala shaqeynaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, gurmadka abaaraha, deyn cafinta iyo in la xoojiyo maalgashiga caalamiga ah ee khayraadka dalkeena
Emial:-Xafiiska Guud ee Warbaahinta Baraarugnews.net Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here