Ujeeddada÷kulan dhex-maray Maayiradda Degmooyink Somaliland iyo maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil

0
634
  • Hargeysa,(baraarugnews.net)-Maamulaha guud ee shirkaddaha Dahabshiil guruub Cabdirashiid Dahabshiil,ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah maayaradda dalka Somaliland .isla markaana Waxyaabaha ay ka wada-hadleen oo ku saabsanaa inay muhiim  tahay in Ganacsatadda iyo Dowladuhu ka wada shaqeeyaan Arrimaha guud (PPP). Meel walba iyo goob walba oo caalamka ku taal.#DahabshiilGroup. WARku wuxuu intaa ku darayaa in kulanka dhex-maray maamulaha guud ee shirkadda dahabshiil guruub Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale iyo maayiradda magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, in maamulaha guud ee dahabshiil Cabdirashiid uu si qoto-dheer ugala hadlay inay daacad u noqdaan dalkooda hooyo,si daacad ahna ugu adeegaan shacabka doortay ee Somaliland,Balse waxa la sheegay innuu kula dardaar-may Maayiradda dalka in looga fadhiyo bilic iyo magaalooyin qurux badan oo indhaha shacabka iyo kuwa caalamkaba soo jiida.
  • Sidoo kale,kulankaas ayaa la sheegay innuu u soo jeediyey Maayiradda Somaliland in shirkadda dahabshiil guruub ay garab taagan tahay wixii talo,aqoon iyo dhaqaaleba gacan-weyn ka siinayaan shirkad ahaan wixii ay uga soo baahdaan.isla markaana Cabdirashiid Dahabshiil,ayaa kulankaa ugu dambayntii kula dar-daarmay in ay ilaaliyaan, masuuladna inay sidaacad ah ugu adeegaan shacabkooda iyo cadaalad ku jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here