Ujeedada÷Muxuu daarnaa kulankii Guddida Dabagalka Golaha Wakiiladda Somaliland?

0
579

Hargeisa,(baraarugnews.net)_: 20/11/2022 Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladu waxay kulan la yeesheen Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeisa.U jeedada kulankan ayaa ahayd in Xildhibaanadu xogogaal u noqdaan waxyaabaha u suurto gelin waayey in Wakaalada Biyaha Hargeisa xisaab xidhkeedu qayb uu ka noqdo warbixinta Guud ee Xisaab xidhka Qaranka ee 2021. Iyadda oo Xisaab xidhka 2021 ay ku cusbayd soo kordhinta balance sheet Wakaalada Biyaha, taas oo u baahatay in la qiimeeyo Hantida (asset) Wakaalada Biyaha Hargeisa.Waxa meereeyuhu ka warbixiyey inay gudbiyeen xisaabta dakhliga iyo kharash, laakiin door lagu soo kordhiyey inay soo raaciyaan balance sheet Wakaalada Biyaha Hargeisa.Waxay Xildhibaanadu waydiiyo su’aalo badan oo la xidhiidha biyo Balaadhinta, Qiimaha biyaha iyo siyaasadaha kala duwan ee Wakaalada ku shaqayso sida ka shaqaalaha Nidaamka qadaraas bixinta ee Wakaalada Hargeisa.

Gebo-gebadii waxa kulankan la isula qaatay inay in wixii macluumaad ah ee dheeriya Wakaalada biyuhu u soo gudbiso Guddida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here