Suldaankii guud ee beesha Habarjeclo Suldaan Cabdillaahi maanta ma wuxuu noqday Suldaan Beesha Sacad Muuse ah?.

0
199

Burco'(baraarugtv.com)-Sawirka halkan idinka muuqdaa waa Suldaankii guud ee beesha Habarjeclo Suldaan Cabdillaahi oo ahaa ninkii beesha habarjeclo uga sheegay warbaahinta fariin aheyd inay doortaan’codkoodana siiyaan Muuse Biixi Cabdi’wakhtigii ololaha.Suldaankii guud ee beesha Habarjeclo Suldaan Cabdillaahi maanta ma wuxuu noqday Suldaan Beesha Sacad Muuse ah.wuxuu ka soo guuray deegaankii beeshii uu suldaanka u ahaa ee Habarjeclo’isla markaana wuxuu degay’una soo guuray dhulka beesha Sacad Muuse.kaasoo hantidiisii keensadey’guri weyn oo qasri ahna ka dhistay xaafadaha sheedaha ee galbeedka Hargeysa.
Dur-baanka colaaadeed ee maanta Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ka tumayaan deegaankii beesha uu ku abtirsado ee Reeryoonis ayuu afka iyo indhaha ka xidhay suldaan Cabdillaahi oo ahaa ninkii kursiga saarey muuse Biixi.balse maantana waxa muuqda ifa-faalada hurin dagaal beeleed ka dhex-qarxa beelaha Salamadow’reeryoonis’iyadoo beesha reeryoonis la soo baxday ama dib-u-soo celisay dhoobinimadii iyo awrkiraalihii walugood lararan jiray inay maanta muuse biixi dabadhilif u noqdeen.inkastoo dhanka hasaasnimada ama jaajusnimada waa reerka u qaabilsan dhankaas beesha habarjeclo taariikh ahaan sida ay ii sheegeen odayaal iyo dadka aqoonta dheer ee taariikh ahaan aqoonta dheer i leh beelaha habarjeclo dhexdooda.”

Waxa qoray Cabdirashiid Faarax

Emial.baraarugbews@gmail com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here