“Soomaaliya Intay Leedahay,Waanu Xidhaynaa safaaradda Itoobiya ku leedahey Hargeysa. Wax Aaney .”

0
117

Hargeysa,(Baraarugtv.com)– Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka maamulka Muuse Biixi Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in heshiiskii isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya uu marayo gebo-gebo,isla markaana wuxuu ka hadlay waxyaabaha ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda Itoobiya.”Khudbadii madaxweynaha Somaliland ka jeediyay munaasibadii 18ka May waa kii kaga dhawaaqay in safiirkii Itoobiya u joogay Somaliland loo dalacsiiyay safiir buuxa. Arrintaasi waa mid rasmi ah.” Ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan oo waraysi siiyey idaacada BBC-da qaybteeda ku hadasha afsoomaaliga.

Wasiirku wuxuu intaa sii raaciyey oo uu yidhi.”30kii sannadood ee u dambeeyay xidhiidh qotodheer bay lahaayeen sida mid amni iyo ganacsi. Waana dalka xudduuda ugu dheer la leedahay Somaliland. Xudduuda aanu Soomaaliya la leenahay waxa ka dheer ta Itoobiya.sidaas awgeed, wax badan baa iskaga kaaya xidhan dhinaca siyaasadda iyo amniga wax waliba way iskaga ka xidhan yihiin Itoobiya.”

Sidoo kale,wasiir Cali mareexan oo arrimahaa ka sii hadlaaya,waxaanu yidhi.”Soomaalidu waxay tidhaa gacan aanad goyn karayn waa la dhunkadaa.  Soomaaliya inta ay leedahay,waxaanu xidhaynaa safaaradda Itoobiya ku leedahey Hargeysa,iyadoo sheegaysa wax aanay xidhi karayn. Laakiin inay si saaxibtinimo ah ula dhaqmaan Somaliland iyo Itoobiya ayey aheyd.”