Somaliland Oo Marti Gelinaysa Qaxoontiga Afganistan

0
989

dawladda Somaliland ayaa sheegtay in ay dawladda Maraykanka ka wada hadleen marti gelinta qaxoontiga ka cararaya dalka Afganistan, islamarkaana ay isla qaateen arrintaasi inkasta oo aanu jirin heshiis wali la gaadhay.
Warbaahinta AFP ayaa ku warrantay in masuul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland Jimcihii u sheegay in Somaliland diyaar u tahay magan gelinta qaxoontiga ka cararaya Afganistan oo dhawaan xulufada reer Galbeedku iskaga baxday, islamarkaana ay la wareegtay Daalibaan.

“Mabda ahaan waanu isku raacnay in aanu qaabilno qaxoontiga Afganistan si ku meel gaadh ah laakiin, heshiisku wali waa hor dhac waana in farsamo ahaan laga shaqeeyo mana jiro wakhti cayiman oo la dejiyay in ay soo degaan,” ayuu yidhi masuulka AFP soo xigatay ee wasaaradda arrimaha dibadda JSL.
Warbixintan ayaa intaasi ku dartay in Maraykanku wada hadal la wado dawladda Uganda oo iyana la doonayo in ay magan geliso qaxoontiga Maraykanku Afganistaan ka daad guraynayo.
Somaliland Ready To Take In Afghan Refugees: Official

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here