Siyaasiyiin, Masuuliyiin iyo madaxdhaqmeedka Somaliland Oo ka wada-hadlay In Lagu Dhawaaqo Furitaanka Ururada Siyaasada Somaliland

0
615

S

Hargeysa,(Radi Baraarug.com)- Siyaasiyiin miisaan culus leh, masuuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii Axmed Siilaanyo, iyo saddexda xisbi qaran ee Somaliland ee Waddani, UCID iyo Kulmiye, ayaa kulan ay manta ku yeesheen magaalada Hargeysa kaga wada hadlay xaaladaha kala duwan ee xilligan ku gadaaman Somaliland, isla markaana shirka ay isugu yimaadeen kaga wada-hadlay Urur cusub oo ay u gogol xaadhayaan, siddii loo sameyn lahaa meel lagu badbaadiyo khatar siyaasadeed oo sheegeen in halis ku jirto jiritaanka shacabka Somaliland.

Kulankaas oo ka soo qayb-galeen siyaasiyiin ka tirsanaan jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani oo agarab ka dilaacay ah. aqoon-yahano, sharciyaqaano, siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, xisbiyada Waddani, UCID iyo Kulmiye Prof Ismaaciil Hure Buubaa, Cabdi Haybe, Faadumo Siciid, Cabdillaahi Axmed Maxamed Ismaaciil, Maxamed Cali Bogi,, Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, Prof Geedoole, Uur-cade, xubno kale oo masuuliyiin xisbiyada xilal kala duwan ka soo qabtay iyo madax-dhaqmeed kala duwan oo ka soo kala jeeda beelaha darafyada ee Deegaanada Dhexe, Gobolada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, ayaa ka qayb galay kulankaas oo lagaga doodaayey siyaasadda maanta Ku hagayaan Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbiyada Waddani, UCID iyo kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal cali Waraabe. Balse dulucda kulanka ayaa la isku raaxay in manta xaalada Somaliland halka ay marayso siyaasad ahaan. Dhaqaale ahaan iyoa amni-ahaan-ba ay tahay meel halis ah xaalada guud eek u gadaaman dalka Somaliland, kuwaasoo tilmaamay in loo baahan yahay in shacabka loos heego xaalka dalka si loo badbaadiyo. Sidoo kale waxa walaac xoogan laga muujiyey xaalada xisbiyada maanta ka jira Somaliland gaar ahaan qaabka hogaamiyeyaasha xisbiga  siyaasad ahaan siday u jahaynayaan iyo shacabka laguna bad-baadin lahaa.

Ismaaciil Hure Buubaa Ururka Rajada shacabka Somaliland
Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa Oo Maanta Ku Dhawaaqay Urur Siyaasadeed cusub Ee Rajada Shacabka Somaliland &Siyaasiyiin, Masuuliyiin iyo madax-dhaqmeed Tirro badan oo ka qayb-galay

Gebo-gebadii Kulankaas oo maanta ka dhacay Huteelka SKY ee koonfurta magaalada Hargeysa, ayaa markii uu dhamaaday shirkaa oo tiirada barasafooro, sharciyaqaano iyo masuuliyiin kala duwan oo miisaan weyn ku leh dalka Somaliland aad uga doodeen sida sharcigii dalka iyo nidaamkii loogu tuntay, heer hogaamiyeyaasha xisbiyada Waddani, UCID iyo Kulmiye, heerka siyaasada Somaliland iyo halkay marayso mustaq-balka shacabka reer Somaliland, iyagoo tilmaamay in halis manta ku jiraan shacabka Somaliland,qaabka maanta lagu badbaadin-karo shacabka Reer Somaliland in burbur iyo halaag iyo god madow ku dhacaan wixii sodonka sano ay soo dhisayeen iyo mustaq-balka bulshada iyo ubadka soo kacaaya, iyagoo u gogol xadhaaya markii sharciga la eegay in sharci ahaan ay tahay in la furo ururada, kuwaasoo u gogol xadhaaya inay sameeyaan Urur cusub oo ka turjumaaya baahida iyo duruufaha ku gadaaman xilligan shacabka Somaliland oo magaciisa lagu sheegay rajada Shacabka Somaliland.
Gebo-gebadii markii shirkaas oo ku saabsanaa kulan cilmiyeed dood ah waxa soo xidhay Siyaasiga Prof. Ismaaciil Hure Buubaa, ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey wuxuu sheegay in laga maar maantahay in la sameeyo madasha lagu badbaadinayo xaalada ay cagaha la gashay Somaliland, soona dhaweeyay siyaasiyiinta, Aqoon-yahanada, garyaqaanada iyo waxgaradka Somaliland soo jeediyeen in la sameeyo dhidibadana loo taago Urur Siyaasadeed Cusub oo magaciisu yahay Ururka Rajada Shacabka Somaliland. Isla markaana muuqaalka Warka Ismaaciil Hure Buubaa mar dhaw kala soco warbaahinta kala duwan Ee Radio Baraarug Media Baraarug TV AMA https://radiobaraarug.com/siyaasiyiin…/SHABAKADA Radio Baraarug.com oo aanu ku soo gudbinayno mar dhaw ee la socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here