Sidii Dalka Bangladesh Oo Kale, Waa In Aynu u Aqoonsannaa Somaliland?

0
605
Siddee Dalka Bangladesh Ayay Aqoonsiga Ku Heshay?
Siddee Dalka Bangladesh Ayay Aqoonsiga Ku Heshay?

Sidii Dalka Bangladesh Oo Kale, Waa In Aynu u Aqoonsannaa Somaliland?
Siddee Dalka Bangladesh Ayay Aqoonsiga Ku Heshay?Chris Heaton-Harris.
Uk,(Baraarugnews.net)-Baarlamaanka Dalka Ingiriiska ayaa Doodd dhinacyo badan leh kaga dooday Ictiraafka dalka Somaliland, isla markaana waxa jiray dhawr xildhibaa oo siyaabo kala duwan uga hadlay arrinta Ictiraafka iyo marxaladihii kala duwanaa ee soo mareen shacabka reer Somaliland . Xildhibaannada ay dadku aad u hadal hayeen aragtideeda waxaa ka mid ahaa haweeynayda Rushanara Ali, oo ka soo baxda xisbiga shaqaalaha kana soo jeedda bulshada Bengali-da ah ee asal ahaa reer Bangladesh ah.
Xildhibaanaddan ayaa is barbardhigtay doorkii dalkeeda Ingiriisku ka qaatay aqoonsigooda xilli ay kala go’ayeen Pakistan. Waxay sheegtay maxaa arrinta Somaliland kaga duwan tahay, taasoo ay weydiisay wasiirkii golaha ku sugnaa ee dawlada Ingiriiska.
“Waxaan rabaa in aan tusaale u soo qaato dalkii aan ku dhashay ee Bangladesh. Dawladdii Ingiriiska ee xilligaa jirtay waxay si toos ah u taageertay gooni isu-taagga dalkii aan ku dhashay ee Bangaldesh oo markaa halgankiisii madax bannaanida kula jiray waddanka Pakistan. Dawladda Ingiriisku may odhan Pakistan ha go’aamiso gooni isu-taagga Bangaladesh. Wasiirku miyaanu arkayn wax lala yaabo in ay tahay taa caksigeeda in immika la qaato, oo la yidhaa Somaliland iyo Somalia iyagu ha dhammaystaan hawlahooda.”Ayey tidhi Xildhibaanada Rushanara Ali.
Siddee Dalka Bangladesh Ayay Aqoonsiga Ku Heshay?
Bangladesh waxa gashay mid ka mid ah dagaaladii ugu dhiig daadinta badnaa ee ebid taariikhda bini aadamka soo mara 1971. Sadex milyan oo naf hurid ah, kufsi ah iyoxadgudubka kale oo loo geystay in ka badan afar boqol oo kun oo haween iyo caruur ah ayaa horkacday dhalashada qaran cusub oo madax banaan oo ku jira khariidadda adduunka.
Bishii December ee sanadkaas. In ka badan toban milyan oo qof ayaa ka qaxay Bangladesh oo qaxooti ku noqday dalka deriska la ah ee Hindiya.
Intii lagu guda jiray marxaladdaas xasaasiga ah ee taariikhda Bangladesh, dad ka kala yimid qaybo badan oo dunida ah ayaa wanaag iyo tageero u muujiyay Bangladesh.
Waddamo badan ayaa isku dayay inay si toos ah ama si dadban u caawiyaan Bangladesh, qayb ka mid ah gargaarkooda iyo taageeradooda ayaa aakhirkii ku timid qaab lagu aqoonsanayo madaxbannaanida Bangladesh.
Waxaana la sheegaa labadii dal ee ugu horreeyey aqoonsiga dalkaas in ay ahaayeen India iyo Bhutan, inkasta oo isla bilihii ka danbeeyey dalal badan ay liiskaas ku biireen.
Ugu danbeynna 1974-tii bishii Febraury ayaa ay Pakistan si lama filaan ah u aqoonsatay Bangladesh, garabkeedii hore ee bariga, arrintaas oo timi kaddib caddaadis kaga yimi waddammada Muslimiinta ah, a sida Masar, Indonesia iyo Sacuudiga, kuwaas oo doonayay in ay dhayaan xadgudubka weyn ee ka jira caalamka Islaamka.
Doorka Ay ku laheyd Dawlada Ingiriiska ee aqoonsiga Bangladesh?
Boqortooyada Midowday (UK) waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee dalalka Yurub ah ee aqoonsaday Bangladesh bishii Febraayo 1972 taasina waxay saamaysay aqoonsiga degdegga ah ee waddamada kale ee Barwaaqo Sooranka iyo Galbeedka.
Waxaana xusid mudan, Bangladesh waxay xubin ka noqotay waddammada Barwaaqo-sooranka 18kii Abriil 1972kii.
Bangladesh iyo UK ayaa leh xidhiidh taariikhi ah iyo mid saaxiibtinimo oo soo jireen ah. Bangladesh ayaa badanaaa xusta oo uag mahadcelisa taageeradii dadka Britishka ee ku kala nool deegaamada kala duwan iyo tii hogaamiyayaashii siyaasada Ingiriiska ee wakhtigaas ay u fidiyeen intii lagu jiray Dagaalkii Xoraynta 1971.
Xigasho Idaacadda BBC
Baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here