Shirkadaha Dahabshiil Group oo ugu deeqday lacag gaadhaysa $500,000 dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

0
174

Muqdisho(baraarugnews.bet)_War-Saxaafadeed: Shirkadaha Dahabshiil Group oo $500,000 ugu deeqay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay isgoyska Zoobe.
Guddoomiyaha iyo Maamulka sare ee Shirkadaha Dahabshiil Group waxay Tacsi u dirayaan eheladda dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Mogadishu.
Shirkadda Dahabshill Group, iyada oo la qeybsanaysa dadka Soomaalida murugada iyo xanuunka ka dhashay qaraxyadii zoobe, waxaya lacag dhan $500,000 ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.
Shirkaddu waxay $250,000 ugu deeqday dadka dhaawaca ah, $250,000 kalena waxa la siin doono ganacsatadii yaryarayd ee ganacsigoodii ku waayey qaraxa, iyadoo dhamaantood loogu shubi doono account-kooda eDahab.
Shirkadda waxay deeqdan u xilsaartay guddi madax bannaan oo kormeeri doona qaybinta deeqda,
Sidoo kale, shirkadda Dahabshiil group waxa ay dhaafi doontaa dhammaan khidmadaha laga qaado dadka doonaya in ay lacago tabarrucaad ah sii marsiiyaan guddiga madaxa bannaan ee Dahabshiil Group.
Ugu danbeyntii, Shirkadda Dahabshiil Group waxay markale tacsi u diraysaa dhammaan ehellada iyo qoysaska dadkooda ku waayay qaraxyadii Zoobe.
Wa billaahi Tawfiiq
#Dahabshiil #DahabshiilGroup #eDahab #Somtel #dahabshilbank #MicroDahab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here