Sheekh Shariif Muxuu Ka Yidhi Hadalka Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Odawaa?

0
433
Sheekh Shariif Muxuu Ka Yidhi Hadalka Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Odawaa?
Sheekh Shariif Muxuu Ka Yidhi Hadalka Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Odawaa?

Sheekh Shariif Muxuu Ka Yidhi Hadalka Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Odawaa
Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Kacdoon iyo qalalaase siyaasadeed ayaa ka taagan gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray hadalkii Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusf Raage oo ciidamada ku amray in siyaasadda aysan ku milmin oo ay ka dhabeeyaan dhaartoodii difaaca qaranka iyo la dagaalanka argagixisada.Sheekh Shariif oo soo dhaweeyey hadalkaas ayaa Taliyaha ku bogaadiyey go’aanka uu qaatay oo mar hore ay ugu baaqeen, sida uu sheegay Madaxweyne Shariif.Waxa uu sheegay in mar hore ay ciidanka uga digeen in faraha aysan la soo gelin siyaasadda, balse ay hadda soo dhaweynayaan in taas uu gartay Taliyaha guud ee Militeriga Soomaaliya Jeneraal Odawaa.
“Waxaan bogaadinayaa aadna u soo dhoweynayaa hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ee ku aaddan in Ciidanka Qaranka ka fogaadaan ku milanka khilaafaadka siyaasadda, diiraddana saaraan la dagaalanka argagixisada, waa hadal sharciga waafaqsan kana mid ah baaqyadii aan jeedinay, Ciidanka waa in ay marwalba ka dhabeeyaan waxa ay u dhaarteen kana fogaadaan qaadasha amarrada qaldan,” ayuu Sheekh Shariif ku yidhii qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here