Sheekh Aadan Madoobe oo ku guulaystey Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya

0
470

Muqdisho,(baraarugnews.net)-Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku guulaystay guddoomiyaha barlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kadib markii wareeggii labaad ee doorashada uu ka guulaystay xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ahaa musharraxii wareeggii koowaad ugu codka badnaa.
Musharrax Aadan Madoobe ayaa helay codadka doorashada 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu helay 89 cod.
Waa markii labaad oo uu barlamaanka hoggaamindoono, wuxuuna horey mar guddoomiye ugasoo noqday barlamaanka xilligii dowladdii AUN, Cabdullaahi Yuusuf, kadib markii uu iscasilay Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Guusha Aadan Madoobe ayaa ka dhigan guul weyn oo ay gaareen musharraxiinta isbedel doonka, kuwaas oo ku guulaystay inay meesha ka saaraan Xasan Cabdi Nuur oo wareeggii koowaad ugu codadka badnaa.

Xasan Cabdinuur ayaa lagu tirinayay inay aad isugu dhow yihiin oo uu taageero ka heystay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Codadka Xildhibaannadii u tanaasulay Sheikh Aadan Madoobe, ayaa isbedel weyn ku sameeyay jihada doorashada ee wareeggii labaad, taasoo soo dadajisay guusha Sheikh Aadan Madoobe.

Guusha Aadan Madoobe waxay mudgi galin kartaa rajada soo laabashada madaxweyne Farmaajo, sida ay qabaan dadka taxliiliya siyaasada Soomaaliya, waxayna aaminsanyihiin doorashada guddoomiyaha barlamaanka inay tahay halka laga cabir qaato cidda ku guulaysan karta doorashada madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here