Sheekada Ninkii Islaanta Qandaraaska ka qaatay!

0
4604

W/Q Jamaal Cali Xuseen
Nin Barkadaha dhisa ayaa qandaraas ka qaatay Islaan dooneysay in Barkad loo dhiso. Kolkuu ninkii hawshii bilaabay ayaa maalintii danbe iyagoo hawshii dhexda kaga jira ay Islaantii kormeer lama filaana ku soo martay. Islaantii ayaa aragtay meeshiiyoo weli iska fool xun Oo aan sibidhkii la marin oo ay u eeg tahay qabyo fool xun. Kolkaasay Islaantii tidhi ” Waar hooy inankoow Barkadani way dumaysaa Oo Barkad ii noqon maysee maxaad ka sii wadwadaa.” Ninkii qandaraaska qaatay ayaa ku yidhi Islaantii u kaadi aan dhamaystiree. Galabtii sibidhkii Ugu danbeeyey lagu sameeyey ayaa bahal mahiigaan ahi ku dhuftay Oo dhulka la simay Barkaddii. Ninkii Qandaraaska qaatay ayaa waalan gaadhay Oo isku buuqay kolkaasaa la yidhi Waar waa qadar Ilaahaye samir hadaba ninkii qadaraaska qaatay waxa laga hayaa” Anigu qadarka Ilaahay wuu dhacayoo maan diidini, Islaantaa malaheedu rumoobay ayaan ka biyo diidanahay!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here