Shacabka Soomaaliya Oo Bilaabay Ugaadhsiga Al-shabaab &Qaabkii Loo Galay Nin Baaskoolad Ku Hubaysan Weeraray Suuqa Bakaaraha muqdisho

0
192
Shacabka Soomaaliya Oo Bilaabay Ugaadhsiga Al-shabaab &Qaabkii Loo Galay Nin Baaskoolad Ku Hubaysan Weeraray Suuqa Bakaaraha muqdisho
Shacabka Soomaaliya Oo Bilaabay Ugaadhsiga Al-shabaab &Qaabkii Loo Galay Nin Baaskoolad Ku Hubaysan Weeraray Suuqa Bakaaraha muqdisho

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Shacabka ku dhaqan koonfurta Soomaaliy, ayaa bilaabay abaabul xoogan oo ay samaynayaan ama kula dagaalamayaan kooxaha alshabaab ee ka dagaalama koonfurta soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Isla markaana Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya nin hubeysan oo Maanta rasaas ku furay dad shacab ah oo ka dukaameysanaayay Suuqa ganacsiga ugu weyn Soomaaliya ee loo yaqaano Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Ninkaan hubeysan ayaa rasaasta ku furay goob ganacsi ay ku sugnayeen dad shacab ah ayaa la sheegay in dadkii halkaasi joogay ay bursadeen, iyadoo markii dambana ay gacanta ku dhigeen ciidanka Nabadasugidda ee ka howlgala degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Taliska Booliiska degmada Howlwadaag Najiib Carab ayaa warbaahinta u sheegay in ninkaan hubeysan loo maleynayo inuu ka mid yahay kooxda Daacish oo hadda ka hor isku dayday iney xiraan goobtan Maanta la rasaaseeyay, hayesshee ciidamada amniga ay ka hortageen arinkaasi, islamarkaana haatan ay baaritaano dheeraad ah ku hayaan dhacdadaan.

Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo kan Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho waxaa tiro dhowr jeer oo hore loo xiray amaro kala duwan oo kasoo baxay kooxaha Daacish iyo Al-shabaab, kuwaas oo salka ku haayay arrimo la xariira bixinta Canshuuro lagu soo roogay ganacsatasda goobaha ganacsi ku leh suuqa bakaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here